BREAKING NEWS
Search

Haweeneydii Ninka Guursada Siineysay Guriga Iyo Gaadhiga Oo Ninkii Ay Xulatay La Dhuumatay

Kanu (Foore/AFP)- Gabadhii mar kali ah warbaahinta dunida qabsatay ee shalay illaa habeen hore laga soo warinayay wadanka Nayjeeriya oo ay ka dalbatay in ay hesho nin guursada iyana taa baddalkeeda ay siiso guri iyo gaadhi gaar ah ayaan wali lahayn rasmi ahaan meel ay jaan iyo cidhib dhigtay kadib markii ay ka xulatay kii ay rabtay boqolaal dhallinyaro oo rag ah oo saf dheer u soo galay.
Kadib markii haweenayda lagu magacaabo Zainab Abdulmalik ay Idaacad ku taalla magaalada Kanu ee dalka Nayjeeriya ay soo fadhiisatay kana sheegtay in ay doonayso ninkii ay nolosha la qaybsan lahayd ee ay xulatay raggii isa soo taagay badda ayaa waxa wali baadi goob ugu jira saxaafadda dunida iyo maxaliga ah balse waxa ay keentay haweenaydaasi arrin xiiso leh oo ah in ay dhuumasho kaga baxsato dhammaan warbaahinta iyo cid kasta oo doonaysa in ay la kulanto walina lama hayo meel ay joogto iyada oo taleefankeedii gacanta xidhatay. Qisada haweenaydan oo ka dhacday wadanka Nayjeeriya ayaa timid markii Boqolaal mucaashiqiin ahi ay hareereeyeen xarun raadiye oo ku taal Magaalada Kanu ee waqooyiga Nigeria kaddib markii Zainab Abdulmalik oo deegaanka ahi ay sheegtay inay guri iyo gaadh siineyso ninkii guursada.
Zainab Abdulmalik oo 23 jir ah ayaa sheegtay in ay khibrad xun ay kala kulantay jaceylkeedi hore, taasina ay ku kaliftay inay nin ku hesho habkan aan caadiga ahayn. Gabadhan oo ganacsiga horumar ka gaadhay ayaa sheegtay inay ku bixisay labo kun iyo shan boqol oo doolar saaxiibkeegii hore, kaddibna uu ka tagay. Salaasadii ayey tagtay raadiye lagu magacaabo Freedom Radio oo ku yaalla magaalada Kanu, waxayna dalbatay ninkii la wadaagi lahaa mustaqbalka iyadoo ka sheegtay in ninka ay dooneyso ay da’diisu noqoto inta u dhexeysa 17 ilaa 25 jir, uuna yimaaddo maalinta xigta. Waxayna ballan qaadday ninkii ay doorato inuu guri iyo gaadhi heli doono. Maalintii darraad ayey boqolaal dhalinyaro oo aad u labisan isugu yimaadaan xarunta raadiyaha. Wariyaha raadiyaha ee wareysanayay, Nasiru Zango, ayaa ku tilmaamay jawiga mid qasan markii ay mucaashiqiintu yimaaddeen. Zainab waqti badan iskama ay khasaarin, waxayna safka dheer ka dooratay nin. Lamana oga faahfaahinta ninka nasiibka leh. Kaddib markii ay heshay ninkii ay dooneysay Zainab ayey goobta ka tagay iyadoo teleefonkeedu bakhtiisan yahay walina illaa xalay aan la hayn gabadhaasi oo la filayo in ay ku dhuumanayso mid ka mid ah guryo waaweyn oo ay ku leedahay magaaladaasi. Dad badan ayaa doonaya in ay goob joog ka noqdaan xafladda meherka ee Zainab Abdulmalik iyo ninka ay calmatay oo labadooduba ay yihiin Muslimiin.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *