Search

Haweeney Soomaali Ah Oo Noqotay Haweeneydii Ugu Horeysay Oo Sareeye Guuto Ka Noqota Ciidamada Kenya

Akhri Sooyaalkeeda Ciidannimo Iyo Heererkii Darajo Ee Ay Soo Martay
Nairobi (Foore)- Haweeney asalkeedu Soomaali yahay oo lagu magacaabo Faadumo Axmed ayaa noqotay haweeneeydii ugu horraysay oo darajada Sareeye guuto ka gaadha Ciidamada Dalka Kenya. Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa maalintii darraad waxa uu dalacsiiyay 14-sargaal oo katirsan Ciidamada Dalka Kenya, iyada oo la sheegay in ay saraakiishani ku muteesteen in la dalacsiiyo waxqabad muuqda ay la yimaaddeen.
Faadumo Axmed, ayaa kamid ahayd Saraakiisha Ciidamada uu dallacsiiyay Madaxweyaha Dalka Kenya, waxaana gabadhan Soomaaliyeed lagu ammaanay doorkii muuqday ee ay kasoo qaadatay howlaha Ciidamada Kenya. Haweeneydan Soomaaliyeed oo ka soo jeeda Soomaalida wadanka Kenya ayaa ciidamada Dalka Kenya ku biirtay sannadkii 1983-kii, waxa ayna kamid noqotay haweenka ka shaqeeya howlaha Ciidamada Dalka Kenya, iyada oo sannaddo kadib noqotay Taliye ku xigeenka labaad ee ciidamada Cirka dalka Kenya.
Faadumo Axmed , ayaa sidoo kale xilal kala duwan kasoo qabatay Ciidamada Dalka Kenya, waxa ayna masuul kasoo noqotay howlaha hanti dhowrka ciidamada. Maamulka, shaqaalaha iyo diiwaankooda , waxa ay sidoo kale taliye kuxigeen ka noqotay horin Ciidamo ah. Haweeneydan Soomaaliyeed ayaa noqotay haweeneydii ugu darajo sareeyay ee Ciidamada Dalka Kenya, waxa ayna wax ka baratay kana qalinjabisay Mac’hadka difaaca Qaranka ee Jaamacadda Nairobi qeybteeda Diblomaasiyadda iyo Xiriirka Caalamiga ah, waxa ay sidoo kale jaamacada Strathmore ee magaalada Nairobi ka baratay Cilmiga Maareynta howlaha Xafiisyada.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *