Search

Haweenaydii Ugu Da’da Yarayd Oo Madaxweyne Noqotay, Taariikhdeeda, Halgankeedii Siyaasadeed Iyo Dalka Ay Xukunkiisa Dhawaan Ku Guulaysatay

Iyada oo ay isa soo tarayaan in muddo ahba awoodda ay haween badani ka muujinayaan dhinaca siyaasadda iyo sida ay ugu soo baxayaan kuraasida sarsare ee madaxnimada dalalka adduunka sannadihii ugu dambeeyeyna la arkayay haween badan oo Madaxweynayaal, Ra’iisal Wasaarayaal iyo Guddoomiyayaal baarlaman noqday ayaa waxa ay haweenayda Jacinda Ardern noqnaysaa haweenaydii ugu da’yarayd ee taariikhda inta la og yahay Madaxweyne ka noqonaysa mid ka mid ah dalalka adduunka kadib markii 26 October 2017 ay ku guulaysatay kursiga Madaxweynaha dalka New Zealand.
Jacinda Ardern oo kaliya dhalatay sannadkii 1980-kii da’deeduna sidaa ku noqonayso 37 sannadood ayaa waxa ay noqonaysaa haweenaydii taariikhda inta la og yahay ugu da’da yarayd ee Madaxweyne ka noqota dal ka mid ah dalalka caalamka kadib markii sannadkan 26 October 2017 loo doortay Madaxweynaha waddanka New Zealand.
Jacinda Ardern waxa ay ka soo baxday xisbiga Shaqaalaha ee dalkaasi iyada oo da’deedu tahay 17 jir muddodaasina ay si weyn uga soo dhex baxday oo ay noqotay xubin firfircoon oo xisbiga dadaal weyn galisay taasina keentay in ay hesho taageerayaasha xisbigan Shaqaalaha. Jacinda Ardern markii ugu horraysay iyada oo 16 jir ah ayay shaqaale ka noqotay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha dalkaasi New Zealand oo iyadu ahayd wakhtigaasi haweenay lagu magacaabo Helen Clark kadibna waxa sannadkii 2008 ay isku soo taagtay xubin baarlamaan iyada oo ka tartantay xisbigeeda Shaqaalaha waxaana wakhtigaasi dalka Ingiriiska Ra’iisal Wasaare ka ahaa Tony Blair.
Aqoonteeda ayay aad u dhistay waxaanay ka qalin jabisay dhawr jaamacadood iyada oo shahaadooyin sare ku diyaarisay, illaa laga soo gaadhayay in ay sannadkan 2017 isku soo taagtay doorashada Madaxweynaha kadib markii xisbigeedu u doortay Murashaxii ugu da’da yaraa taariikhda dalkaasi iyo waliba haweenaydii ugu da’da yarayd iyada oo ololaha doorashada ku gashay arrimo badan oo taabanayay dhinaca qoyska sida in ay mamnuucayso sharciga haweenku ilmaha uurka ku jira isaga soo ridaan, yaraynta shaqo la’aanta iyo kobcinta dhaqaalaha iyo gaar ahaan taageerada qoysaska saboolka ah iyo daryeelka ubadka. Waxaanay arrimahaasi u suurto galiyeen in ay doorashada ku guulaysto sidaana ku noqoto haweenaydii ugu da’da yarayd ee Madaxweyne noqota.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *