Search

Hargeysa: Meyd Saacado Dhex Yaallay Waadhka Cisbitaalka Weyn Iyo Saddex Nin Oo Meelo Kala Duwan Habeen Hore Rasaas Lagu Soo Dhaawacay

Hargeysa(Foore) – Waadhka Gar Gaarka Deg Dega ah ee Cisbitaalka Weyn ee Magaalada Hargeysa ayaa habeen hore waxa la iskugu keenay saddex nin oo si gaar gaar ah rasaaso ugaga soo dhaceen goobo kala duwan oo ka tirsan Caasimada,iyadoo dadkii dhaawacaasi sitay ay si weyn shalay aroornimadii cabasho uga muujiyeen dhakhtar la’aan ka qabsatay Cisbitaalka iyagoo waayay dhakhtaradii heegan u lahaa wakhtiga habeenkii halka ay sheegeen in Meydka qof rag ahi saacado badan dhex yaalay qolka gar gaarka deg dega ah Habeen Hore.
Wariye Wargeyska Foore ka tirsan oo shalay Aroornimadii booqday Cisbitaalka weyn ee Hargeysa ayaa waxa uu kula kulmay saddex rag ah oo dhaawacyo kala duwan qaba oo Xabado qaarkood aan la garayn cid soo riday ay kaga soo dhaceen xaafado ka tirsan magaalada Hargeysa gaar ahaan xaafada Qudhaca dheer iyo Gacan Libaax,waxaanay dhaawacyadaasi qaarkood ahaayeen kuwo halis ah oo qaliin lagula jiray. Saddex ragga ah ayaa laba ka mid ah waxa ay ahaayeen wiilal dhalinyaro ah oo ay ciidanka Bilaysku ku soo dhaawaceen hawlgal ay Habeen hore ka fuliyeen Xaafada Daami ee Bariga Magaalada Hargeysa, halka ninka kale oo isna dhaawac raasaaseed oo halis ahi ku yaalay laga soo qaaday Xaafada Qudhac Dheer ee Magaalada Hargeysa,sida ay sheegeen dadkii la joogay bukaankaasi oo qaliin halis ah ku jiray lama garanayo cid rasaastaasi soo riday iyo meel laga soo toogtay toona.
Abaaro sideedii aroornimo ee Saacada shalay waxa qolka Gar gaarka deg dega ah ee Cisbitaalka Weyn laga qaaday meydka Qof rag ah,waxaanay sheegeen dadkii bukaanada waadhkaasi yaalay la joogay in meydkaasi Mudo ka badan Shan saacadood yaalay Qolkaasi islamarkaana uu keenay dibiro uu dirqi ku sigtay inuu qarxo waxaanay dhaliilo kala duwan dusha u saareen Maamulka Cisbitaalka sababta Meydkaasi oo aanay saarnay wax maryo ahi hore looga dhex qaadi waayay bukaankii noolaa,waxa ay sheegeen in adeega Qolka gar gaarka deg degga ah ee Cisbitaalka Weyn ee Hargeysi meel xun marayo oo habeenkii aanay ka hawlgalin wax dhakhaatiir ah oo u soo jeeda Bukaanka islamarkaana habeen hore loo waayay dhakhtar eega xaaladooda Caafimaad dhaawacii xiliyada Dambe la keenay Cisbitaalka.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *