BREAKING NEWS
Search

Hargeysa: Lagula Kala Wareegay Xilkii Hogaanka Sare Ee SONYO Iyo Weedhihii Madasha

Hargeysa (foore)- Munaasabad ay darraad xilkii kula kaa wareegayaan Golahii Sare ee hore ee Dalladda Ururada dhalinyarada Somaliland ee SONYO iyo Golaha cusub ee dhawaan la doortay ayaa lagu qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargaysa. Munaasabadan oo ay ka soo qayb galeen Masuulyiin ay ka mid ahaayeen Wasiirka wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada Md Cali Siciid Reygal Gudoomiyaha hay’adda maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa Axmed maxumed Madar, Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, Xildhibaano ka tirsan Golayaasha Wakiilada iyo Guurtida iyo marti sharaf. Guddoomiyihii hore ee dalladda dhallinyarta Somaliland (SONYO) Axmed Cabdi Wacays oo maanta khubad dhinaco badan taabanaysa ka jeediyey munaasabaddii uu xilka guddoomiyenimo uuu guddoonka cusub ee SONYO ayaa kaga hadlay waxbaayibii dallada u qabsoomay muddadii uu xilka hayey. Waxana hadaladiisii ka mid ahaa “ Marti sharafta qiimaha leh ee kasoo qaybgashay munaasibada xil wareejinta 6aad ee dallada Dhalllinyarada Heer qaran ee SONYO ee iskugu jirta, xildhibaannada Golayaasha baarlaamka, wasiiradda ,aqoon yahanka, ganacsatada, madaxda ururadda gaboodka SONYO, Guddomiyaha SONYO ee La doortay, xildhibaannada cusub iyo kuwa xilka ka degeya, saxaafada, Mudanayaal iyo Marwooyin, waxaa sharaf iyo farxad noo ah inaad nagala soo qayb gasheen munaasibadan bilicsan.” Mudane Wacays ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “ Midh kaftan ah haddii aan ku darro, Barrigii nala doortey ayaa waxa jirtey casuumad uu wargeyska geeska Africa noo sameeyay, madashaa waxa noogu marti ahaa Abwaankii weynaa Gaariye Ebbe naxariistii janno ha siiyee. Wuxuu madashaa ka jeediyay hadal dardaaran iyo hogo tusaalayn ubadnaa, waxaanu noo tilmaamay hadal-haynta iyo xanta suuqa noogu jirtay ee loo bahan yahay in aanu ka gaashamano oo ay kamid ahayd in aanay habayaraatee gabadhi golaha nagula jirin iyo in gobolka togdheer shirweynihii ka baxay, taas oo uu nagu dhiiri galiyay in aanu soo gufayno. Sidaa awgeed, wakhti walba waayo lehee.. waxaan filayaa shirweynihiinii 6aad ee aynu ka soo baxnay isaguna waxa jirtay hadal haymow iyo dareeno laysla dhexmarayay oo ku cusubaa saaxadda iyo milgaha shirweynayaashii SONYO taasna asturkeeda iyo waxkaqabashadeeda intaba idinkaa laydinka fadhiyaa, ILLAHAYNA haydinla qabto. Gudoomiyaha hay’adda maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa Axmed maxamuud Madar oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay in dhalinyarada looga baahan yahay inay dawladda isla garab taagaan waxii aqoon ah ee ay dheer yahiin dadka mas,uulka ka ah hayadaha iyo wasaaradaha dalka. Wasiirka dhalinyaradda, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland Md. Cali Siciid Raygal oo xafladaasi ka hadlay ayaa tafaasiil ka bixiyay waxqabadkii golihii sare ee SONYO ee xilka wareejinayay oo uu aad u ammaanay, waxaanu yidhi “Waxaan ku faraxsan nahay inaanu ka soo qeyb gallo xafladan qiimaha badan ee xil wareejinta Golaha sare ee SONYO ee hore iyo kuwa cusub.Runtii Golihii hore ee sare ee SONYO aad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa iyadoo runtii intii aan wasaaradda joogay aad iyo aad iila soo shaqeeyay oo shaqooyin badan ila soo qabtay. Waxa kale oo aan uga mahad celinayaa shaqadda wanaagsan ee ay dhalinyaradda u soo qabteen. Waxay soo sameeyeen nidaam, horumar iyo isku xidhkii ay muujiyeen intii ay shaqadda hayeen. Golihii hore waxay ahaayeen rag shaqadda u bislaaday oo karti leh” Guddoomiyaha Cusb ee SONYO Mubaarig Ismaaciil Taani oo munaasabadda ka hadlay ayaa isna ballanqaaday inuu sii wadi doono qorshayaashii dalladda u deganayd isla markaana ay ku kordhin doonaan kuwo cusub. Golaha cusub oo xubnihiisu yahiin 18 qof ayaa bedeli doona golahii hore oo xubnihiisu ahaayeen 13 ruux. Gabagabadii Munaasibadaasi Hogaankii Hore Ee Xilka Wareejiyey waxa ay shahaado sharafyo guddoonsiiyey Ha’yado Warbaahineed iyo kuwo kale oo ay wada shaqayni ka dhaxaysay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *