Search

Hantigoosiga Siilaanyo iyo Bililiqada: Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”.

Hantida maguurtada ah ee umadda Soomaalilaand ee ay xukuumadda Kulmiye sida waallida ah u xaraashayso aad baa loo ga qayliyay. Ilaa imika dhinaca musuqmaasuqa oo qudha ayaa arrinka la ga eegay, waxaa se jira waji aydoolajiyadeed oo aan cidi juuq ka odhan.
Aragtida hantigoosigu wax ay ku dhisan tahay in ay dadka gaarka ahi yeeshaan ilaha waxsoosaar iyo khayraadka dabiiciga ah ee dal lee yahay, iyo in suuqa dhaqaalaha dawladdu faraha ka qaaddo, oo tartanka lacag samaynta la fasaxo, si ninka rooni reerka u gu hadho. Si ay taasi u suurowdo dawladdu waa in aanay waxba ku darsan waxbana ku yeelan tartanka lahaanshaha. Xaaladda caynkaas ah dadka diiddani wax ay ku sheegaan dadqalnimo ka fog bani aadamnimada habboon, waayo bulshada inteeda badan waxaa yeelanaysa oo si arxan darro ah u gu tumanaysa inta yar ee hantida leh. Hantigoosiga caynkaas ah ee aan dabarka lahayn Diinta Islaamku aad iyo aad ayay u la dagaallantay.
Axmed-Siilaanyo wax uu culuunta dhaqaalaha ku soo bartay dalka Ingiriiska xilli uu dunida ka oognaa loollan adag oo ka dhexeeyay hantiwadaagga iyo hantigoosiga. Bariga iyo Galbeedka mid waliba wax uu halgan u gu jiray in uu dunida kale ku faafiyo mabda’iisa. Tusaale ahaan qolo waliba wax ay soo jiidan jirtay ardayda dunida soo koraysa, ardaydaas oo ay aragtideeda u laylyi jirtay. Duruufta sidaas ah ayuu Axmed-Siilaanyo wax ku soo bartay Ingriiska oo ahaa qalcadda labaad ee u gu adag ee la ga difaaco hantigoosiga. Weliba wax ay ahayd marxalad ay siyaasaddii Jamhuuriyadda Soomaaliyeed gebidhaclaynaysay oo Bari iyo Galbeed dhex meehannaabaysay.
Sidaa darteed Siilaanyo dalka ku la ma uu soo noqon oo keliya aqoonta dhaqaalaha, wax uu se kale oo sitay fikirka hantigoosiga ee la gu soo carbiyay. Ha ahaatee is la beryihii uu dalka ku soo noqday, ee Muqdisho ka bilaabay shaqo dawladeed, waa tii uu dalka ka dhacay afgebigii askartu, waana tii siyaasadda dalka la gu soo rogay kelitalisnimo iyo hantiwadaagnimo. Maamulkaa ayuu Siilaanyo ka noqday xubin aad u firfircoon, isaga oo intii badnayd ahaa wasiir ku shuqul leh maamulka arrimaha dhaqaalaha (qorshaynta, ganacsiga ama maaliyadda). Ha yeeshee muddadaas oo dhan wax uu ku sandullaysnaa siyaasaddii kacaannimada iyo hantiwaagnimada, mana uu lahayn doonis iyo awood uu ku meelmarin karo aragtida dhaqaale ee uu qof ahaan rumaysnaa. Waxaa se la xaqiijiyay Siilaanyo sannadahaa badan ee uu Maxamed Siyaad Barre wasiirka u ahaa in uu xidhiidh gaar ah la lahaa diblomaasiyiinta reer Galbeedka ee Xamar joogay, gaar ahaan Ingiriiska, taas oo caddaynaysa kalgacalka uu u hayay.
Sannadkii 1982 Siilaanyo kolkii uu xilka wasiirnimada waayay waa kii ku biiray SNM. Berigaana in kasta goobta shaqadu ahayd dalka Xabashida, haddana isaga xaruntiisa runta ah iyo degaanka qoyskiisu wax ay ahayd Ingiriiska.
Haddaba waxaa la odhan karaa Siilaanyo weligii maanta ka hor ma uu helin awood iyo meel uu ku tijaabiyo fikirkii hantigoosiga ee uu konton sannadood ka hor Ingiriiska ka la soo noqday. La ga soo bilaabo sannadkii 2010 markii uu Soomaalilaand madaxweynaha ka noqday, saddex arrimood baa astaan u noqday maamulkiisa. Midda hore waa isaga oo suuqa dhaqaalaha ka dhigay meel aan haba yaraatee wax xeer dawladeed oo ahi ka jirin, iyada oo qofka loo xalaaleeyay in uu si walba lacag ku samayn karo, taas oo abuurtay dadqalnimo naxdin leh, bulshadiina inteedii jilicsanayd iyo intii jeebka yarayd la gu tuntay. Astaanta labaad ee siyaasadda dhaqaale ee Siilaanyo waa in la xaraasho oo dad gaar ah la siiyo wax alla wixii ay dawladdu hanti maguurto ah lahayd ilaa xilligii Ingiriiska. Ta saddexaadna waa musuqmaasuqa dawladeed oo uu ninkani fasaxay, iyada oo aan haba yaraatee wax eed iyo dacwad ah la gelin karin qofka hantida dawladda booba. Qodobka u gu dambeeya ee boobku maamul xumo haba ahaadee, waxaa la odhan karaa waa siyaasad dhaqaale oo Siilaanyo ku abuurayo xaaraan-ku-naaxyo la gu xoojinayo hantigoosiga.
Maamulka Siilaanyo wax uu faafiyay been ah ”xukuumaddu wax alla waxa ay doonto ayay iibin kartaa”. Xaraashidda sida waallida ah u socota ee hantida dawladdu in aanay ahayn danta umadda ka sokow, waxaa ku jira arrimo badan oo aan sharci ahayn. Waa marka kowaade, hannaanka dawladeed ee Soomaalilaand waa dimuqraaddi uu dadweynuhu lee yahay awoodda oo dhan, isaga oo adeegsanaya hay’adaha uu doortay. Haddaba xukuumaddu wax ay iibin kartaa oo qudha wixii ay oggolaansho toos ah ama oggolaansho dadban dadweynaha u ga haysato. Xukuumaddu ma samayn karto, haba yaraatee, wax la hubo in aqlabiyadda dadweynuhu diiddan tahay.Sharci darrada labaad ee xaraashka xoolaha dawladda ku jirtaa waa iyada oo la baal maray waajibka ah wax wal oo dawladdu iibinayso ama iibsanayso in tartan loo dhex dhigo umadda oo dhan. Tan la’aanteedu waa heerka u gu foolxun musuqmaasuqa maamulka Siilaanyo. Waa ta keentay qandaraas wal oo xukuumaddu bixiso ama wax wal oo la iibinayo in umaddu ku khasaarowdo.
Sababahaa dartood, bulshadu xaq sharci ah ayay u lee dahay in ay hor joogsato tallaabooyinka xukuumadda ee aan munaasibka ahayn. Xaq iyo awood sharci oo buuxa ayay u lee dahay in ay hor joogsato iibinta dhulka danta guud ee mustaqbalka la ga dhisi lahaa madxafyo, maktabado, dugsiyo, tiyaatarro, gagiyo ciyaareed, iyo beero la gu neefsado oo la gu nasto. Xaq sharci ah ayay u lee dahay joojinta wareejinta haamaha shidaalka Berbera, iyada oo ay caddaatay in ay tahay wareejin bililiqo ah oo la gu lunsanayo boqollaal malyuun oo doollar oo umaddu heli lahayd.
Waxaa la og yahay maamulka Kulmiye in uu si badheedh ah u sagsaagay qabashadii doorashooyinkii dastuuriga ahaa ee dalka, ujeedkuna ahaa muddo korodhsi aan sharci ahayn. Sidaa darteed maamulka dalka ka jiraa in aanu haysan kalsoonida dastuuriga ah ee dadka darteed, marxaladdan ma aha in la oggolaado tallaabooyin masiir ummadeed ah in sida fudud loo qaado. Marxaladdan waxa u gu yar ee meelmarinta go’aan weyn la gu aqbali karaa waa is oggolaanshaha xukuumadda iyo wakiillada. Imika xukuumaddii oo kalsoonidii ka dhacday baa doonaysa in ay xoog iyo laaluush ku dul marto wakiilladii dadweynaha matalayay oo iyagana kalsoonidii ka dhacday. Waxaasi dimuqraadiyad iyo sharci midna ma aha.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *