BREAKING NEWS
Search

Hantidhawrka Qaranka Oo Baadhitaan Culus Ku Haya Ilaha Dakhliga Ee Berbara

Berbara (Foore)- Koox ka socota hantidhawrka qaranka Somaliland ayaa labadii maalmood ee ugu dambeeyey waxa ay baadhitaan ka wadaan xarunta gobolka Saaxil ee Berbera. Kooxda baadhitaankan ku hawlan ayaa shalay maalintii labaad hawlahooda shaqo ku ekeeyey xarumaha dakhliga ee magaalada Barbera sida kastamka iyo dekadda Berbara oo ay ka bilaabeen baadhitaankoodii shaqo.

Kooxda hanti dhawrku qaranku waxa ay shalay maalintii labaad si kedis ah ku galeen xarumaha dakhliga ee magaalada Berbera iyaga oo labadii maalmood ee ugu dambeeyey ku guda jiray hawl qabadkaasi oo ay ugu kuur galayaan sida ay hawlwadeenada ka hawl galaa u soo xereeyaan dakhliga xukuumadda Somaliland.

Guddoomiyaha hantidhawrka qaranka ayaa oo waftigan hanti dhawrka hogaaminayay ayaa isagu shalay dib ugu soo laabtay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Baadhitaanka kooxda hantidhawrka ka socotaa waxa ay sii socon doonaan maalmaha soo socda.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *