Search

Hanti-Dhawrka Oo Amar Ku Bixiyey In Lasoo Xereeyo In Ka Badan Boqol Gaadhi Oo Dawladdu Leedahay, Sidoo Kalena Mamnuucay Dhulkii Dawladda Ee Lala Kala Wareegay Wixii Ka Dambeeyey Maalintii Doorashada

Hargeysa, Dec 7, 2017 (Foore)- Hanti-dhawraha Guud ee qaranka Somaliland Mudane Siciid Saleebaan Mire ayaa sheegay in Hanti-dhawrka guud ee qaranka Somaliland gabi ahaanba joojiyey wixii hanta ma guurto ah ee dawladeed ee la isa siiyay ama la kala iibsaday wixii ka dambeeyey 13-kii Bishii hore ee November oo ku beegnayd maalintii shacabka Somaliland u dareereen doorashada Madaxtooyada isaga oo dhinaca kalena baaq u diray masuuliyiinta dawladda ee Gobolada iyo Degmooyinka dalka oo uu ugu baaqay in ay si degdeg ah u soo xereeyaan una soo gudbiyaan hab madax taabasho ah in ka badan 100 gaadiidka dawladda ah oo la sheegay in ay fadhiyaan oo dayactir ay u fadhiyaan halka uu sidoo kale sheegay Hanti-dhawraha qaranku in gabi ahaanba la joojiyey wixii loogu yeedhi jiray cashuur dhaafka marka laga reebo dhawr qolo oo uu ugu baaqay in iyaga la soo mariyo Han-dhawrka wixii cashuur dhaaf ah ee loo samaynayo.
Mudane Siciid Saleebaan Mire, Hanti-dhawraha guud ee qaranka oo shalay Warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa oo arrimahaasi iyo kuwo kaleba ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Dhul iyo dhisme dawladeed oo kasta oo la bixiyey ama la iibiyey intii ka dambaysay 13-kii November ee sannadkan oo ah maalintii loo dareeray doorashada Madaxtooyada Somaliland oo la bixiyey ama la iibiyey waxaannu halkan umadda uga caddaynaynaa in aanu iibkaasi ama bixintaasi aanay ahayn wax sharci ah waana iib ama bixin aan sharci ahayn oo qayrul sharci ah mana waafaqsana sharciga dalkan u yaalla, iibkaasina iib jira ma aha. Waxa aynu isagana ku daraynaa gaadiidka oo aan in badan hore uga hadalnay. Wasaaradaha iyo hay’adaha qaranka dhammaantood waxa isugu yeedhay Madaxweynaha qaranka Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa loo qaybiyey buug ay ku soo tafatirayaan dhammaan hantida guurto iyo ma guurto ah ee ay wasaaraddaasi ama hay’addaasi leedahay taas oo lagu soo faahfaahinayo dhammaan hantida agabka iyo dhismayaasha, shaqaalaha iyo waxkasta oo hay’addaasi leedahay”
Siciid Saleebaan Mire, Hanti-dhawraha guud ee qaranka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi: “Haddaba waxa jira gaadiid dawladeed oo aannu liiskooda hayno in ka badan boqol iyo dheeraad gaadiid dawladeed ah oo la yidhi way fadhiyaan wasaaradahana aannu hore ugu gudbinay markaa waxa la farayaa masuuliyiinta hay’adaha dawladda ee Gobolada iyo degmooyinka dalka, masuuliyiinta dawladda dhexe iyo dawladaha hoose dhammaantood in gaadiidkaasi fadhiya lagu soo ururiyo xarumaha laga leeyahay wasaarad kastaa xarunteeda ku soo ururiso gaadiidkaasi fadhiya si isbaddalka imanaya taabasho iyo muuqashaba loo arko gaadiidkaasi la yidhi way fadhiyaan”.,
Ugu dambayn Siciid Saleebaan Mire, Hanti-dhawraha guud ee qaranku waxa uu yidhi: “Sidoo kale waxaannu shaacinaynaa in Wixii la odhan jiray cashuur dhaaf ee loo samayn jiray la joojiyey dhammaan marka laga reebo hay’adaha caalamiga ah sidaa darteed cashuur dhaafkaasi hay’adaha caalamiga ahi waxa uu soo mari doonaa Hanti-dhawrka guud ee qaranka oo warqad koobi ah la siin doonaa. Wixii u socda warshadlayda ee Roll Material ah ee warshaduhu la soo degi jireen ee la siin jiray cashuur dhaafka ee sharciga waafaqsan iyagana cashuur dhaafka waa la siinayaa laakiin waa in la soo mariyaa hanta-dhawrka guud. Waxa kale oo aannu joojinay dhammaan wixii wakaaladaha biyuhu bixin jireen ee ahaa Flat and free ee aan marka horeba dadka danyarta ah la siin jirin”.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *