Hal Qof Oo Laascaanood Ugu Dhintay Dab Koronto Oo Qabsaday Wakhti Roobab Ka Da’ayeen Magaalada

Laascaanood (Foore)- Hal qof ayaa ku Geeriyooday roob lixaad leh oo shalay ka da’ay Degmada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, kaddib markii uu qabsaday xarig koronto oo kasoo go’ay baallihii uu ku xidhnaa.

Madaxa Farsamada Shirkada Korontada LESCO, Axmed Xirsi oo ay HOL wax ka waydiisay sidii ay wax u dhaceen shalay, ayaa sheegay in shirkaddiisu aysan sabab u ahayn shilkii dhacay, uuna ka yimid shirkad labaad oo haatan wada inay ka hawl-gasho Laascaanood, isagoo intaasi ku daray inay horeba magaalada uga da’i jireen roobab intan ka lixaad badan, balse aysan geysan wax khasaare ah.

Sidoo kale, Axmed Xirsi ayaa eedda dusha uga tuuray shirkadda labaad ee haatan ka hawl-galaysa magaalada, isagoo sheegay inay xili aan musiibo ay wadaan hawlaha dab-galinta habeenkii lagu beegan isla markaana ay tacadi kula kacaan baalayaasha shirkaddiisa.

Maamulaha ayaa tilmaamay in maamulka shirkaddu ay u tacsiyaysay qoyskii uu wiilku ka geeriyooday, ayna maxkamad la tegi doonaan shirkada labaad ee Jabuutaawi, uuna kiiska wiilku raaci doono cidda uu ku cadaado.

Dhinaca kale, maamulka Shirkada Jabuutaawi ayaa wax jawaab ah ka bixin eedaynta ay LESCO u soo jeedisay, kaddib markay HOL la Xiriirtay mas’uul ka tirsan shirkaddaas oo lagu magacaabo Ceegaag, isagoo ku gaabsaday in ay shikadu ka shirayso arrintaan.

Ugu dambeyn, Waxaa xusid mudan in laba mas’uul oo ka tirsan shirkadda LESCO loo taxaabay xabsiga, kuwaasoo kala ah Madaxa Shirkadda Axmed Maxamed Cartan iyo Axmed Siciid Cilmi oo ka mid ah saamileyda shirkadda, iyadoo adeegii koranto uu guud ahaanba ka maqnaa magaalada muddo aan ka yareyn 10-saacadood.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *