BREAKING NEWS
Search

Hakad Gala Hawlihii Garoonka Muqdisho Kadib Markii Laga War Helay In Uu Qarxayo Gaadhi Kamid Ah Kuwa Ka Hawlgala Garoonka

Muqdisho (Foore) Waxaa saaka hakad uu ku jira howlihii garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, kadib markii la helay war sheegaya in mid ka mid ah gawaarida ay leedahay Shirkada SKA ee gacanta ku haysa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde uu ku xiran tahay Miino.
Ciidamada Midowga Africa AMISOM ee gacanta ku haya iyagu ammaanka Garoonka ayaa diiday in gudaha loo galo lagana baxo, waxaana dhaq dhaqaaqa garoonka uu yahay mid guud ahaanba xaniban, waxaana goor dhow Gaari sida la sheegay ah Basaska rakaabka lagu qaado ee diyaarada lagu geeyo loo geeyay Eeyaha u tababaran urinta waxyaabaha qarxa iyo hubka.
Mid ka mid ah shaqaalaha garoonka oo afeeftay in magaciisa la adeegsado ayaa u sheegay Foore in saaka markii uu soo galay garoonka loo sheegay in aanu ka bixi karin, halka shaqaalihii kalena banaanka lagu celiyo, iyadoo garoonka xaalad kacsanaan ah ka jirto.
Qaar ka mid ah diyaaradihii saaka soo caga dhigtay garoonka ayaan wali ka duulin, waxaana laga saaray diyaarada Pilot-yadii diyaaradaha kaxeynayay oo la geliyay gudaha garoonka, waxaana tuhunka jirana uu yahay in gaariga Baska ee gudaha Garoonak dhex yaala inay miino ku xiran tahay.
Lama oga qaabka loogu xiray, iyadoo basaska rakaabka aan ka soo bixin gudaha garoonka, waxaana adag in la helo faah faahin rasmi ah.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *