BREAKING NEWS
Search

Hadhaaga Walxaha Qarxyada Loo Adeegsado Oo Ciidamada SPU-Du Ka Heleen Xaafadda Goljano Iyo Nin Xijaab Xidhan Oo Si Xirfadaysan Ciidanka Uga Baxsaday

Hargeysa (Foore)- Ciidamada Ammaanka Somaliland, gaar ahaan qaybta loo yaqaano SPU ayaa Xaafadda Goljanno Ee Magaalada Hargeysa waxa ay ka heleen Walxo loo aqoonsaday in ay ahaayeen Hadhaaga Agab loo diyaarsaday is qarxinta iyo falalka Argagixiso kuwaasi oo goor Habeenimo ah la soo dhigay agagaarka Guri Dunsan oo ku yaalla Xaafadda Gol-janno ee Magaalada Hargeysa. Falkan ciidanku ku soo qaadeen walxahan waxa ciidanka ku war geliyay nin dhallinyaro ah oo degan Xaafaddaasi kaasi oo si kedis ah ugula kulmay Goobtii walxahan la soo dhigay, markii uu is dul taagay ee uu ka shakiyayna si degdeg ah ugu war geliyay ciidamada Ammaanka qaranka. Daqiiqado kadib waxa goobtii walxahani yaalleen soo gaadhay Koox ka tirsan Booliska oo ahaa kuwa sida gaarka ah loogu Carbiyay in ay baadhitaanada ku sameeyaan walxaha qarxa. Sida ay noo xaqiijiyeen dad goob-joog ahi, Qalabkii Boolisku ku baadheen Walxahan ayaa markiiba Qayliyay oo waxaanay ciidanku u qaateen xaruntooda.
Dadkii Goob-joogga ahaa ee arrintan nooga warramay waxa ay xaqiijiyeen in Ciidamadu mudadii ay baadhitaabkan ku jireen ay si hor dhac ah u caddeeyeen in Walxahani yihiin Hadhaaga qalabka wax lagu qarxiyo kuwaasi oo inta la diyaarsaday hadhaagoodii qashin ahaan intan loogu soo daayiyay, iyada oo ay u muuqatay in Goob kale oo halka Walaxahan la dhigay ka durugsan la tuhunsan yahay in lagu soo diyaariyay si yool ahaabin ahna goobtan loogu soo daadiyey. Walxaha ciidanku heleen ayaa ka koobnaa: Agab isugu jira Baaruud laba nooc ah, Cajiino kala duwan oo lagu badhaxay Malab, Jirikaan Haaf ah oo la gooyay oo ay ka buuxaan Malab, Quraarado Alkool, Xabaasuud iyo Daawada Heemo Toon ah iyo Walxo kale oo aanay dadkii goobta joogay Aqoonsan. Wakhti baadhitaankii ciidanku dhammaaday oo ay ciidamadii qaadeen walxihii ay goobtan ka heleen waxa isla goobtii Walxahani yaalleen isa soo taagay nin aan la aqoonsan oo dadkii halkaasi ka ag dhawaa markii ay ku soo dhawaadeen Cagaha wax ka dayay oo baxsaday, waxaana dhacday in ay dhallinyaradii goobtaasi joogtay Baacsadeen ninkii firxadka ahaa ee shakiga dhaliyay balse aanay ku guulaysan in ay qabtaan kadib markii uu guri isla xaafadda Goljanno ku yaalla Galay oo uu daqiiqado kadib markii ciidanka Boolisku goobtan soo gaadheen si xeeladaysan oo badheedh ah albaabka gurigan ka soo baxay isaga oo xidhan Xijaab isuna ekaysiinaya qof haween ah taasi oo u suurta galisay in aan laga shakiyin qofkan dumarka ah ee xijaabka xidhan ee guriga ka soo baxa, wakhti ay ciidanka oo arrintan loo soo sheegay Gurigaasi afaafkiisa hore gaadh ka hayeen, waxaana dhacday in mid ka mid ah caruurtii goobta joogtay ciidamada u sheegay in qofkii meesha maray uu ahaa nin xijaab xidhan.
Ilaa imika ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Ciiidamada ammaanka oo la xidhiidha arrintoobtan, mar aanu xalay isku daynay in aanu Walxahaasi la helay wax ka waydiino hogaanka ciidamada ammaanka ee ay arrintani khusayso ayaanay noo suurta galin.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *