Search

“Haddii Ciiddamada dib loo soo qaadayo, kuwa Laascaanood iyo Ceerigaabo anaga-na hala lanaga soo qaado..” Xildhibaan Indho-indho

Hargeysa (Foorenews) – Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho oo ka mid Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ee ka soo jeeda Gobolka Sool ayaa ka hadlay ciidamada Qaranka ee dib looga soo qaadayo jiida Buuhoodle, waxaanu sheegay in loo baahan yahay in ciidamada qaranka laga soo qaado Laascaanood, maadaama buu yidhi Buuhoodle-ba laga soo qaaday.

 

Xildhibaan Indho-indho  oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa sheegay in maxaabiista la sheegay in heshiiskii Xaglo-toosiye iyo xukuumadda lagu siidaynayo ay ka mid yihiin kuwo ay gacantooda ku soo qabteen, balse uu ka xun yahay in cid kale lagu sharfo, iyadda oo aan isaga waxba laga waydiinin.

 

Xildhibaan Indho-Indho oo ka hadlaya dedaalada nabadeed ayaa yidhi “Dadaalada Nabadeed ee socda kolay anigu kuwii aan tilmaanta ka bixinayey baan u arkayey, maalintii Saxaafadda iskugu-kaayo dambaysay waxaan lahaa Saleebaan (xaglatoosiye) Iyo Madaxweyne  Siilaanyo iyagaa Buuhoodle ka yimaada wey ku mahad-san yihiin hadday wax ka qabteen”

 

Xildhibaanku waxa kale oo uu soo qaaday “Laascaanood iyo Ceerigaabo ayaanu kala joognaa saddex Gobol-na waanu nahay haddii Ciiddamada dib loo soo qaadayo, kuwa Laascaanood iyo Ceerigaabo anaga-na hala lanaga soo qaado, Madaxweynaha qoladan-ba haddu ka aqbalay anaguna waanu waydiisan doonaa,  waxaanan ka qabaa sida maanta Buuhoodle looga dabaal-degayo haddii Laascaanood-na Ciidanka laga soo qaado sida Buuhoodle looga sacabo-tumayo in ka badan looga sacab tumi lahaa”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Ceerigaabo way ka ciidan badan tahay Laascaanood, Maxaabiista la sii daynayo 70-baa ka mid ahaa kuwo aanu anagu isku qoys nahay ee aanu soo qab-qabanay, iyadda oo aan wax talo ah nalaga weydiin baa Saakana la sii daayey oo Rag kale lagu sharfay, wixii Buuhoodle ka socda Madaxeynaha cida wada inta-ba waanu taageeraynaa, laakiin arinta Laascaanood iyo Sanaag inay Buuhoodle ka taliso Madaxwaynena ka yeeli mayno, wiil yar oo imika yimidna ka yeeli mayno”

 

Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho waxa kale oo uu ka hadlay “Anigu Laascaanood, Ceerigaabo, Xudun iyo Taleex baan Xildhibaan u ahay, laakiin waa arrin codsi ah oo aanu Madaxweynaha weydiisanayno oo haddii uu kuwan ka qaaday in uu anaga-na naga qaado, haddii aan dadkii laga wada qaadaynin Ciidamadii oo Degma-na loo daynayo mid-na laga qaadayo halkaa Cadaalad daraa ku jirta Odeyguna (Madaxwaynaha) wuu dhaartay”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray isaga oo ka jawaabaya su’aal la xidhiidhay in dhibaatada Sool iyo Buuhoodle ay masuul ka yihiin beesha Dhulbahante oo kala aragtiyo ah “Adeer diinta Islaamka ayuun-baa naga dhaxaysa Buuhoodle anagu deegaan gobolka Togdheer ayaanu u naqanaa, Laascaanood, Ceerigaabo, Xudun iyo Taleex ayaan xildhibaan u ahay oo aan ka hadlayaa.


Ciidamadaasi culays ayay ku hayaan dadka reer Laascaanood, waayo wax alaale wax siyaasad ah ayaan daba soconin, ciidanku muxuu noo dhex fadhiyayaa haddii aanu qofka qof kale dilla aanu soo qabanayn, 30 nin oo ahaa kuwii dadka ugu mudnaa ee masuuliyiinta dawlada Somaliland ayaa Laascaanood lagu laayey 5000 oo askarina way nala joogaan, haddii aanay nin dilay nin kale soo qabanayn anaga ayaa isa-soo qabsanaynee hanaga soo baxeen ciidamadu”

Foore/Editor General

@Saddam Mohamed.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *