BREAKING NEWS
Search

Haddii Boqoradda Ingiriisku Tahay Boqoradda Ugu Da’da Weyn Boqorrada Ah, Waa Tuma Boqoradda Ugu Da’da Yari?

Wakhti Boqoradda Waddanka Ingiriiska ee Queen Elizabeth Laba oo da’deedu tahay 91-jir loo aqoonsaday ama ay tahay boqoradda wakhtigan dunida ugu da’da weyn uguna xukunka dheer leh ayaa waxa ay indhaha dunidu ku jihaysteen oo ay si gaar ah ula socdaan haweenayda loo aqoonsaday Boqoradda wakhtigan iyana dhinaceeda ugu da’yar oo da’deedu aanay wali gaadhin 27 sanadood.
Boqoradda waddanka Bhutan oo lagu magacaabo Jetsun Pema Wangchuck ayaa loo aqoonsaday boqoradda ugu da’da yar wakhtigan waddanka Bhutan oo ah waddan boqortooyo oo ku yaalla qaaradda Asia taasi oo noqonaysa boqoradda ugu da’da yar halka Queen Elizabeth ay noqonayso boqoradda ugu da’da weyn boqorrada adduunka ka taliya ee haweenka ah taasi oo sannadka cusub u dabbaal degi doonta dhalashadeeda 92-aad.
Boqoradda adduunka ugu da’da yar ee Jetsun Pema ayaa xukunka dalkeeda Bhutan ku ruqaansatay oo carshiga ku fadhiisatay markii ay gursatay sannadkii 2011 boqorka dalkaasi oo lagu magacaabo Jigme Khesar Namgyel Wangchuck.
Inkasta oo Boqor Jigme Khesar Namgyel mudadii uu dhiganayay dugsiga sare iyo jaamacadda dalkiisa uu guur u ballan qaaday gabadh ay Ilma adeer yihiin oo uu u ballan qaaday guur haddana nasiibku ma raacin oo calafkedu waxa uu noqday Jetsun Pema taasi oo guurkaasi u suurta galiyey in ay noqoto boqoradda dalkaasi.
Shacabka waddanka Bhutan oo ah dal leh nidaam dhaqan oo boqortooyo ayaa hooyada dalka waxa ay u yaqaannaan boqoradda waxaanay dhaqan ahaan u leeyihiin in ay si weyn u ixtiraamaan qoyska reer boqor iyada oo wiiggiiba hal maalin ay dadka dalkaasi u dabbaal degaan xus duco ahna u sameeyaan qoyskooda reer boqor.
Dhawaan waxa kulan gaar ah ahi dhex maray boqor Jigme oo dalkiisa ku soo dhaweeyey Amiir William oo ah wiilka ay dhashay boqoradda waddanka Ingiriisku kaasi oo safar dalxiis ah ku tagay waddankaasi yar ee Bhutan lana kulmay qoyska reer boqor oo ay is barteen dhinaca dhaqanka iyo boqortooyadana iska waraysteen dhawaan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *