BREAKING NEWS
Search

G/xafiiska siyaasadda Madaxtooyadda oo dhagax dhigay waddo isku xidhaysa Oodweyne Iyo Togdheer

Hargeysa (Foore)-Gudoomiyaha Xafiiska Siyaasada Xidhiidhka Golayaasha ee Madaxtooyada Bashiir Cabdi Xariir ayaa maanta dhagax dhigay Mashruuca GPLG gaar ahaan Wadada isku xidhaysa Oodweyne iyo Magaalada Burco.

waxa xaflad balaadhan oo loo sameeyay dhagax dhigista Wadadan ka qayb galay Badhasaabka Gobolka Daad Madheedh, Maayarka magaalada Oodweyne ,Gudiyada Horumarinta Gobolka Togdheer iyo Gudida Taakulaynta Oodweyne iyo Burco oo lagu magacaabo (Galool) iyo Marti sharaf kale. Dhagax dhigista kadib waxa xaflad loogu qabtay xarunta dawlada hoose ee magaalada Oodweyne.

Maxamud Aadan Dheri oo ka tirsan Gudida Horumarinta Gobolka Togdheer iyo Inj Faarax Xuseen oo ku hadlayay Magaca Gudida Taakulaynta Oodweyne iyo Burco ee lagu magacaabo Xubina ka ah hay’ada Wadooyinka Somaliland ee SRA waxaanay soo dhaweeyeen hirgelinta Mashruucan oo wax weyn ka taraya Sidii ay u hirgeli lahayd wado isku xidha Gobolada Daadmadheedh,Togdheer iyo Maroodi jeex, taas oo ay dhibaato kala kulmaan dadka iyo gaadiidka isla markaana hoos u dhigtay horumarkii ay gaadhi lahaayeen sadexdaas gobol.

Waxaa kale oo ay faahfaahin ka bixiyeen halka uu marayo Qorshaha wadada isku xidhaysa Gobolada Togdheer iyo Oodweyne taas oo laga soo bilaabay magaalada Burco isla markaana maraysa deegaanka Kaba dheere, iyagoo intaas ku daray in dhagax dhigista maanta ay ku wajahan tahay wadada ka baxaysa dhinaca Oodweyne iyagoo u mahadceliyay Xukuumada, qurbo jooga iyo cid kasta oo ka qayb qaadatay habsami u socodka hawshan.

Gudoomiyaha Xafiiska Siyaasada Xidhiidhka Golayaasha iyo Madaxtooyada Bashiir Cabdi Xariir oo madashaasi ka hadlay ayaa cadeeyay inay xukuumada ka go’an tahay sidii ay qaybteeda uga qaadan lahayd mashruucan wax ku oolka ah isagoo sheegay in Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu Miisaaniyada sannadkan cusub ee 2012-ka uu dhaqaale ugu daray hirgelinta wadadan.

Bashiir wuxuu intaas ku daray in dawladu ay taageerayso hawlaha ku wajahan dhinaca wadooyinka iyo mashaariicda horumarka.

Bashiir Cabdi Xariir wuxuu ugu baaqay qurbo jooga u dhashay Gobolka Daad Madheedh iyo Togdheer sidii ay dhaqaale ugu bixin lahaayeen hawsha wadadan oo ay lacag badani ku baxayso isagoo u mahadceliyay labada gudi ee Togdheer iyo Daad Madheedh oo uu tilmaamay inay talaabo horumar leh qaadeen.

Gudoomiyaha Gobolka Daadmadheedh Yuusuf Ibraahin Geedi ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin dhagax dhigista wadadan oo uu xusay inay baahi weyn u qabaan isla markaana ay kor u qaadi doonto dhaqaalaha iyo horumarka gobolka oo ay si fudud iskugu xidhmi doonaan labada magaalo ee Somaliland ugu waaweyn ee Hargeysa iyo Burco.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *