Guurtida Oo Tababar Aqoon Korodhsi Kii Ugu Horreeyey Noociisa Hargeysa Ugu Qabatay Dhalinyarada Jaamacadaha Dalka

Hargeysa (Foore)- Masuuliyiinta golaha guurtida Somaliland ayaa tababar aqoon is waydaarsi ah u qabtay in ka badan toddobaatan dhallinyaro ah oo ka kala socday jaamacadaha wadanka, ururada bulshada iyo guud ahaan bulshada qaybaheeda kala duwan kuwaasi oo muddo hal maalin ah ku qaatay wax ka ogaanshaha hawlaha labada aqal ee baarlamanka Somaliland iyo waliba hannaanka shaqo, taariikheed iyo jiritaan ee golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland oo ah aqalka sare ee Baarlamanka iyo waliba sida uu noqon karo Mustaqbalka Golahani.
Aqoon is waydaarsigan oo ay iska kaashadeen Golaha Guurtida Somaliland iyo Hay’adda IPRT ayna fududaysay dalladda ururada dhallinyarada Somaliland ee SONYO waxa uu Khamiistii ka qabsoomay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa iyada oo ay ka soo qayb galeen Xoghayaha guud ee Golaha Guurtida Somaliland Md. Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere) oo ahaa masuulka isagu dhallinyarada tababarkan siinayay, agaasimaha Maamulka iyo xisaabaadka ee golaha Guurtida Faa’isa Sh. Maxamed Axmed, Ku simaha Guddoomiyaha dalladda ururada dhallinyarada Somaliland ee SONYO Md. Wacays Maxamed Axmed, Guddoomiyaha hay’adda iyadu maal-gelisay aqoon is waydaarsigan Dr. Md. Axmed Xuseen Ciise ka soo qayb galayaasha tababarkan iyo dadweye tiro badan.

Ugu horrayn furitaankii tababarkan waxa hadalo kooban ka soo jeediyay masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid ahaa Ku-simaha Guddoomiyaha SONYO Md. Wacays Maxamed Axmed ahna xoghayaha golaha sare ee SONYO oo xusay sida ay ka dhallinyaro ahaan ugu faraxsan yihiin tababar noocan oo kale ah oo ah kii ugu horreeyey ee dhallinyarada Somaliland wax kaga ogaato sooyaalkii waxqabad ee golaha Guurtida Somaliland, heerarkii nabadaynta iyo dhismaha dawladnimo ee ay bud-dhigga u ahayd Guurtidu iyo waliba mustaqbalka waxa laga rabo golaha Guurtida oo ah Marjaca qarankani ku dhisan yahay. Faysa Maxamed Axmed oo ah Agaasimaha Maamulka iyo Xisaabaadka Golaha Guurtida oo ka warramaysay ujeedada ay ka leeyihiin tababarada noocan oo kale ah ayaa xustay sida ay Gole ahaan uga go’an tahay in ay bulshada Somaliland u gaadhsiin lahaayeen doorka Golaha Guurtida iyo in taariikhdeeda wax badan laga ogaado.
Faysa Sh. Maxamed Axmed oo arrimahaasi ka hadlaysaa waxa ay tidhi: “Dhallinyaradu waxa ay ka mid yihiin qaybaha ugu muhiimsan bulshada, sidaa darteed waxaanu go’aansanay in aanu wax badan ka barno nidaamka dawladnimo ee qarankoodu u taagan yahay iyo doorka golaha Guurtida oo aanay wax badan ka aqoon.

Annaga oo kaashanaysa hay’adda IPRT waxaanu tababarkan u qabanaynaa in aanu dhallinyarada u iftiimino hannaanka ay u taagan yihiin golayaasha sharci dejintu, habka wada shaqayneed ee labada Gole Baarlamaan, sooyaalkii Taariikheed ee golaha Guurtidu soo maray iyo doorkii dhismaha qaranka Somaliland, inaga soo dhallinyarada ku barbaarinayna in ay wax ka ogaadaan tiirarka dawladnimo ee qarankooda”. Agaasimaha maamulka iyo xisaabaadka Golaha Guurtidu waxa ay dhallinyarada kula dardaarantay in ay xeerarka golayaashu soo saaraan akhristaan oo ay golayaasha Dastuuriga wax badan ka bartaan. Intaa kadib Guddoomiyaha Hay’adda IPRT ayaa sheegay sababta ay mawduucan iyo arimo kaleba Golaha Guurtida ugala shaqeeyaan taasi oo uu ku tilmaamay mid la doonayo in bulshada lagu baro hannaanka dawladnimo ee dalkooda si ay ugu shaqeeyaan aqoon ku dhisan xaqaa’iq. Dr. Axmed Xuseen Ciise waxa uu dhallinyarada tababarkan qaadatay kula dardaarmay in ay wax bartaan dalkoodana u shaqeeyaan.

Intaa kadib waxa la guda galay gudbinta nuxurka tababarkan waxaana madasha tababarkan si weyn loogu qaadaa dhigay Mawaadiic ballaadhan oo ay ka mid ahaayeen:
-Taariikhda Golaha Guurtida Somaliland
-Doorkii Nabadaynta iyo dhismaha dawladnimo ee Golaha Guurtida Somaliland
-Xil-gudashada Golaha Guurtida iyo xidhiidhka shaqo ee labada aqal baarlamaan iyo ugu dambayn sida la doonayo in uu noqdo Golaha Guurtida Somaliland. Dhammaan mawaadiicdan waxa si weyn u qaadaa dhigay Xoghayaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Cabdilaahi Ibraahim Habane oo sidoo kale dhallinyarada si guud mar ah uga sheekeeyey shirarkii nabadaynta Somaliland.

Aqoon is waydaarsigan oo ahaa mid aad u qiimo badan ayay dhallinyaradii ka qayb gashay dhammaadkii waxa ay su’aalo kala duwan ku waydiiyeen Xoghayaha oo dhammaantood ka jawaabay waxaanay codsadeen in la sii wado aqoon korodhsiyada noocan oo kale ah. Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtida oo ah aqoonyahan Sharci yaqaan ah muddo dheerna u soo joogay heerarkii Golaha Guurtida Somaliland soo martay iyo dhammaan shirarkii kala dambeeyey ee Somaliland dhidibada loogu taagay ayaa si weyn u qiiro galiyay dhallinyaradii darraad aqoon is waydaarsigan ka qaadatay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *