BREAKING NEWS
Search

Guurtida Oo Ansixiyay kaabista xeerka doorashooyinka Goleyaasha deegaanka

Hargaysa (Foorenews):- Muddaneyaasha golaha guurtida Somaliland ayaa shalay ansixiyay kaabista xeerka doorashada xeer No. 20, kaasi oo dhigaya in dhalinyarada da’doodu gaadhay shan iyo labaatan jir ay ka qayb geli karaan siyaasada dalka gaar ahaana xildhibaanada golaha deegaanka.

Guurti

Fadhigan golaha guurtida oo uu shir guddoominayay gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha guurtida Md Siciid Jaamac Cali, ayaa waxaa fadhigaasi ka soo xaadiray shan iyo afartan muddane oo ka mid ah laba iyo sideetanka xubnood ee uu ka kooban yahay aqalka odayaasha Somaliland. Gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha guurtida oo ka hor intii aanay xildhibaanadu codka u qaadin xeerkaasi hadal ka jeediyay fadhiga golaha, ayaa faahfaahin ka bixiyay xeerkaasi iyo qodobada ku jira. Waxaanu sheegay in xeerkani markii ay golaha wakiiladu u soo gudbiyeen ka dib ay u gudbiyeen guddida arrimaha guddaha ee golaha guurtida si ay wax ka bedel iyo kaabis ugu sameeyaan.

Guddoomiyaha guddida arrimaha guddaha ee golaha guurtida Md. Axmed Muuse Obsiiye oo golaha ayaa warbixin ka siiyay kaabista xeerka doorashada iyo wax ka bedelka ay guddi ahaan ku soo sameeyeen xeerkaasi, waxaanu yidhi “markii aanu soo eegnay xeerkan waxaanu garanay in aanu qodobka tilmaamaya xagga da’da oo ah 25-jir in aanu sideeda u dayno oo aanaan waxba ka bdalin siddii ay Golaha wakiiladu inoogu soo gudbiyeen. Guddi ahaana waxaanu soo jeedinaynaa in xeerkan sidiisa loo ansixiyo, maadaama oo uu xeerkani si gaar ah u taabanayo da’da ay dhalinyaradu kaga qayb qaadan karaan siyaadda dalka.”

Fadhiga golaha oo ay joogeen shan iyo afartan muddane ayaa markii codka ansixinta loo qaaday waxa ogolaaday 36-mudane, 8 muddane ayaa diiday, cid ka aamustayna ma jirin, guddoomiyuhuna muu codayn, sidaas ayaanay ku ansixyeen golaha guurtidu xeer No. 20.Qaar ka mid ahaa xildhibaanadii fadhigaasi joogay oo ka hor intii aan codka loo qaadin xeerkaasi ka hadlay aragtidooda ku waajahan xeerkaasi iyo sida ay u arkaan, Xildhibaan C/raxamaan Sheekh Xasan oo ka mid ahaa muddaneyaashaasi ka hadlay waxa uu yidhi “ Anigu uma kicin in aan naqdiyo ama aan wax ka sheego xeerkan, waxaanaan soo jeeedinayaa in aynu sidiisaa ku ansixino maadaama oo ay dhalinyaradu tahay xooga dalka yihiina 60% tirada dadka ku noolanigu waxaan leeyahay hadii aynaan soo dhawayn oo aynaan doonin waxay dhalinyaradu xaqa u leeyihiin. Haddii aynu nahay Golaha guurtidana aynu si gaar ah u eegno qadiyada dumarka.”

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) ayaa isna ka hadlay aragtidiisa ku waajahan xeerkaasi waxaanu yidhi “Anigu waxaan ka hadalayaa qodabka 33aad ee xeerkan dhalinyaradu waa dhalinyaradeenii mustaqbalkoodana waa in aan been loo sheegin oo xisbi doorasho doonayaan aanu ku beer laxawsan, waxaan anigu leeyahay bal u fiirsada 25-jirka guryaheena jooga bal eeg ma maanta ma odhan lahayd ka garsoor 35-40 jirka u arkeyna dhul iyo wax laysku haysto joonmitir ma maanta ayeynu (25) shan iyo labatan jir u dhibi karna , caruurteena mustaqbalkooda ayaa baa ba aya inanka maanta ku ababa halkaa dib u qabsoomi mayo waxtacliinana mayeelanayo , anigu waxaan leeyahay ayuu xildhibaanku yidhi da,da golaha degaanka waa golaha odayaasha oo kale waligeed gole deegaan oo shan iyo labaatan jir loo dhiibayna lama arag.” Xeerkan xeer No.20 oo ay golaha guurtida u soo gudbiyeen, isla markaana hore u soo ansixiyeen muddaneyaasha golaha wakiiladu ayaa dhigaya in siyaasada dalka gaar ahaana goleyaasha deegaanka ay ka qayb geli karaan dhalinyarada da’adoodu tahay shan iyo labaatan jir halka markii hore uu xeerkaasi ka dhigayay in ay kaga qayb geli karaan da’ada shan iyo sodon jir, xeerkani xeer No.20 ayaa loo gudbin doonaa madaxwaynaha Somaliland si uu u saxeexo ka dibna uu xeerku u dhaqan galo.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *