Guurka Lammaanayaasha Isku Hidde Sidayaasha Ahi, Sabab Ma U Noqon Karaa In Ilmaha Ay Iska Dhalaan Cillad Ku Dhasho?

Waa Maxay Xaaladda Hidda-Socodku?
Xaaladda hidda-socod waa dhibaato caafimaad oo ay keento isbeddel ku yimaadda hidda-wade. Waxa jira kumanyaal xaaladaha hidda-socodka, iyo kuwo cusub oo la ogaanayo wakhti kasta. Jidhkeenu wuxuu ka samaysan yahay kumanaan milyan oo unug. Unug kasta gudihiisa waxa ku jira tiro hidda-wadayaal ah. Hidda-waduhu waa jidhka “tilmaantiisa”. Jidhkeenu wuxuu akhriyaa hidda-wadaha oo uu u adeegsadaa tilmaanihiisa si uu u sameeyo maadada borotiinka ee aynu ka koobanahay. Tusaale ahaan, waxa jira hidda-wadayaal sida waxyaabaha midabka indhaha iyo dhererka.
Hidda-wadaha waa la dhaxlaa (waxa kuu soo gudbiyaa waalidkaa). Taas weeye sababta aad waalidkaa ugu eg tahay ama aad uga dhaxli kartid qaab hadalka, socodka ama dareenka intaba.

Sidee Hidda-Waduhu Uga Soo Gudbaa Waalidka?
Hidda-wade kasta oo ku jira jidhkaagu wuxuu leeyahay laba nuqul. Marka dadku ilmo dhalaan, waxay gudbiyaan hal nuqul oo hiddawade kasta oo jidhkooda ku jira. Ilmuhu markaas wuxuu wataa xidhmo dhan oo hidda-wadayaasha aabaha iyo xidhmo dhan oo xagga hooyada ah.
Xaaladaha Hidda-Socodku Ma Waxay Markasta Ka Yimaaddaan Waalidka?
Ma aha markasta. Xaaladaha hidda-wade ama hidda-wadayaal. Marmar isbedelkaas waxa laga dhaxlaa waalidka. Marmar, isbedel ayaa ku iman kara hiddawade.
Isbedelo cusub ayaa waqti walba ku dhaca jidhkeena. Badanaa isbedelaasi waa yaryahay oo ma keenaan dhibaato waayo:
• Waxaa laga yaabaa in aanay bedelin macnaha fariinta.
• Jidhku waxa laga yaabaa inuu u baahan yahay hal nuqul oo shaqaynaya si fariintu shaqada u qabto.
Marmar, isbedel dhab ah ayaa ku dhaca hidda-wadaha oo aanay mar danbe fariintu macno u samaynayn jidhka. Markay taasi dhacdo, farriinta looma raaci karo si saxa oo waxay u horseedi kartaa dhibaatooyin.
Haddii uu isbedel dhab ahi ku yimaaddo hiddawadaha unuga shahwadda (aabaha unugiisa manida), ama unuga ukunta (hooyada unugeeda ugxanta), waxay u gudbi kartaa ilmaha. Markay taasi dhacdo, waalidku ma laha xaaladda hidda-socodka laakiin ilmaha ayaa leh.
Wax laga samayn karaa ma jiraan waxa keenay ama lagaga hortago isbeddelka hidda-wadaha.
Badanaa ma jirto si ay waalidku ku ogaan karaan in isbedel dhacay illaa ilmahoodu bilaabo inuu yeesho calaamadaha xaaladda jirta.

Ma jiraa baadhitaan lagu samayn karaa isbedellada hidda-wadaha?
Baadhitaan waa lagu samayn kara hidda-socodka, laakiin waa xaalado hidda-socod oo gaara oo qudha. Baadhitaanku badanaa meel shaybaadha ayaa lagu sameeya muunadda dhiiga.
Baadhitaanka hidda-socodka waxa loo adeegsan karaa si loo xaqiijiyo ogaanshaha cudur. Hase ahaatee, haddii xataa baadhitaanka laga waayo isbedel, waxa laga yaabaa inuu qofku misana qabo xaalad hidda-socod. Weydii dhakhtarka ama la-taliyahaaga caafimaad hidda-socodka si aad u hesho inta ay le’egtahay runta baadhitaanka hidda-socodku.
Haddii aad xaalad hidda-socod aad qabto oo aad guursato gabadh iyaduna leh xaalad hidda-socod taa la mid ah waxay caruurtiinnu halis ugu jiraan in ay idinka dhexlaan xanuun hidda-socod sidaa darteed ayay takhaatiirtu iyo diintuba ku talisaa in laga fogaado guurka qaraabada iyo ilmo-adeerrada hadduu cudur jiro, maxaayeelay ilma adeerka koowaad wuxuu wataa halis 4 jeer laba-laaban oo ka badan ilmo adeerka labaad in aad isku hidda wadayaal noqotaan.
Markaa talooyinka khubarada caafimaadku bixiyaan waxaa ka mid ah in aan ilmo adeeryaal iyo ilmo abtiyaal la guursan khaasatan hadduu cudur hidda-socod jiro oo la kala dhaxli karo, sharci ahaan kama hadlayno oo diinteennu way bannaysay balse badanaa qoomiyaatka kala guursada oo dunida ku nool sida qabiillada qaar ee ku nool Afrika, Asia iyo South America waxay caan ku yihiin xanuunno hidda-raac ah oo u gaar ah iyaga oo aan laga helin meelo kale, taasna waxay ku timid is guurguursiga qaraabada.
Cilmiga saynisku wuu hormaray hadda oo waxaa la ogaan karaa haddii la baadho hidda-socodkeenna meesha aan ka soo jeedno iyo cudurrada aan xambaarsannahay iyo qawmiyaatka kale ee nagu dhex qasan iyo goorta ay na soo galeen iyo macluumaad badan, Waxaana sannadkii 2003-aad cilmibaadhayaasha soo gabagabeeyeen mashruuc socday 13 sano oo lagu baadhayay laguna diraasaynayay hidda-wadayaasha bani-aadanka ku jira iyo macnahooda kuwaasoo gaadhaya 25,000 oo hidda wade.
Inkastoo diinta islaamku ay ogoshahay in la guursan karo ilmo-adeerrada iyo ilmo-abtiyada, hadana waa muhiim in wixii caafimaadka ubadkaaga saamayn karo in aad ka fogaatid, way jiraan xadiithyo iyo hadallo laga soo guuriyay asxaabta qaar oo ku saabsan arrintan, inkastoo aanan la caam yeeli karin in guurka qaraabada dhib inuu keeno kaliya oo ay jiraan xaalado gooni ah oo qofka ka dhaxli karo faa’iido sida xagga caqliga, waxaa la sheegaa haddii labada qof isguursanayso ay yihiin dad maskax iyo fahan badan in caruurtooda ay dhici karto in ay ka dhaxlaan maskaxdaas, markaa yaan loo qaadanin in dhib kaliya ay keento ilmo-adeer ama ilmo-abti la guursado, sidaa darteed caafimaadka iyo diinta islaamku isma diidana.

Dadka ay aad ugu badan tahay xanuunada hidda-socodka ah oo qaraabo-nimada isku guursada waxaa ugu badan Yahuudda, waxaana jiro cudurro hidda-socodyo u gooni ah oo iyagana u badan. Waxaan filayaa in aad wax ka fahanteen cilmiga hidda-socodka “Genetics” maxaa yeelay arrintaan waa cilmi gooni ah oo la barto ee ma ahan wax hal cashar lagu sharxi karo ama aad safiican ugu fahmi karto.

Qalinka: Dr. Abdilahi Mahdi




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *