Search

Gudoomiye Muuse Biixi Oo Qirtay Weedho Taariikhda U Galay Oo Hankiis Musharaxnimo Horjoogsan Kara,Faafitaankoodana Kula Galgashay Cukuse.

“Gudoomiye, Waxaad Tidhi 1994-Kii Addiga Oo Wasiirka Arrimaha Gudaha Ah “Anniga Oo Wax Dili Kara,Duco Qaadan Maayee,Dabci Qorigu Hay Jaro”.
Hargaysa (Foore) – Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi,ayaa markii ugu horaysay waxa uu si rasmi ah u qirtay hadal uu yidhi Sannadkii 1994-kii isaga oo markaas ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumaddii Maxamed X. Ibraahim Cigaal,kaasi oo ah hal-ku-dheg barmadaw ku noqday Saaxadiisa Siyaasadeed ee ee Wakhti Xaadirkan isla-markaasna Laf dhuun gashay ku noqotay,wal walna uu uga qabo inay Ka horjoogsadaan Hankiisa Musharaxnnimadda Madaxweyne Ee Xisbiga KULMIYE.
Gudoomiyaha oo habeen hore Su’aalo Toos ah lagu weydiinayay Barnaamij uu soo qaban-qaabiyay TV-ga Af-ka Somaliga ku hadla ee HCTV,ayaa waxa ka mid ahaa Su’aalihii la weydiiyay oo uu Weydiiyay Wiil dhalinyaro ah oo Magaciisa la yidhaahdo Cabdiwahaab Xasan Ismaaciil,sida tan: S: “ Gudoomiye,maadama aad doonayso inaad Somaliland hogaamiso,qeyb Shacabka Somaliland ka mid ahina ay waxyaabo badan kaa tabanayaan,kuwaas oo aad beri cod ka rabto,Waxaad tidhi 1994-kii addiga oo Wasiirka arrimaha Gudaha ah “Anniga oo wax dili kara,Duco Qaadan maayee,Dabci Qorigu hay jaro”.
Gudoomiye Muuse Biixi ayaa waxa uu si cad u u qirtay Inuu Kelmaddaas yidhi,balse waxa uu intaas raaciyay in Ujeedada hadal iyo Cidda uu ku socdayba la bedelay,Isagoo eeda Amuurtaasna isaga riixay Masuul ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo ah Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (CUKUSE),Waxaana uu intaas raaciyay inuu Hadalkaas ula jeeday Cadawga Somaliland oo uu ku tilmaamay inay Somaliya ahayd.
Muuse Biixi Hadalkan kasoo yeedhay Gudoomiyaha ayaa laga yaabaa inuu samayn taban oo toos ah ku yeelan karo Hammigiisa Siyaasadeed,isaga oo sida Jawaabtiisa ka muuqta ku andacooday in aan hadalka cid uu ula jeeday aanay ahayn reer Somaliland,inkasta oo la wada xasuusan yahay in aanu Wakhtigaas jirin Dagaal ka dhexeeya Somaliland iyo Somaliya,balse uu Dalka ka taagnaa Dagaal Sokeeye oo u dhexeeyay Beelo Walaalo ah.
Sidoo kale Wiil Dhalinyaro ah oo kale ayaa waydiiyay Su’aashan soo socota, “Gudoomiye Shaanidii Magaalada La qarxin jiray markii aad is-hayseen Madaxweyne Siilaanyo,Waxay Dhamaatay markii aad adigu tanaasushay,Haddii Markaas aad shaani qarxin jirtay,Maxaa lagaa Filan karaa haddii laggaaga guulaysto Madaxtinimada,Miyaad dagaalami doontaa?.
Muuse Biixi ayaa qiray in Wakhtigaasi ay is-hayeen Siilaanyo shaani iyo raaniba la qarxin jiray waxaanu ku jawaabay “Wakhtigaasi waa runtaa oo shaani iyo Raaniba waa la qarxin jiray,oo waxbaa la tuur tuuri jiray,Balse Su’aashu waxa weeyi ma inagaa istuur tuuranay mise waa la inoo dhuuntay,Arintaasi baadhis kadib ayaa la ogaan karaa cidda tuuraysay. Gudoomiye Muuse Biixi ayaa aad uga naxay labadaasi Su’aallood markii la waydiiyay,jidhka ayuu is galiyay,waxaanay ku noqotay filaan in si toos ah loo waydiinayo,waa uu ka murugooday waxaanu iska qirtay inay jireen balse meel aan loo joogin ayuu kula galgashay.
Labadaasi arimood ee la waydiiyay waa wax yaabaha taariikhda u galay ee la odhan karo waxa ay seejin doonaan Hankiisa Musharaxnimo,waxa kale oo iyaguna jira arimo kuwaasi ka culus oo imika aasan oo jeebka loogu hayo,waxaana ay dadku ku xantaa Muuse,Nin aan waligii is akhrisan oo aan xantiisa dhegaysan oo jibo orod ku jira.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *