Search

Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Kulmiye Iyo Wasiirka Shaqadda Oo Madal Il Yartu Is Qabatay Ka Cadeeyay Taageerada Maxamed Biixi.

Hargaysa(Foore) – Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waabeeye isla markaana ah Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Kulmiye Iyo Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr Cabdi Aw Daahir ayaa Shalay daboolka ka qaaday inay Taageersan Yihiin Murashaxnimada Madaxweyne ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Marka uu furmo Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee Ku Mudaysan 10 Bisha November.
Labadan Masuul ayaa hadalkan ka sheegay Kulan Soo dhawayn ah oo lagu soo dhawaynayay Wasiirka Arrimaha Dibada Dr Maxamed Biixi Yoonis oo dalka ku soo laabtay Shalay isagoo ka mid ahaa Weftigii uu hogaaminayay Madaxweyne Siilaanyo ee safarka dibada ugu baday laba todobaad ka hor.
Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waabeeye isla markaana ah Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Kulmiye ayaa Si adag u naqdiyey Xubno beesha uu ka soo Jeedo ka tirsan oo sheegay inay beel ahaan taageersan yihiin Murashaxnimada Madaxweyne ee Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.
Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr Cabdi Aw Daahir ayaa badheedhihiisa soo bandhigay Waxaanu xusay in Wasiir Maxamed Biixi Yoonis uu leeyahay dabeecadihii hogaamiye Waxaa kale oo uu xusay in Tiro ku dhow laba boqol oo qof oo ay hor kacayaan ay Taageero la Garab Joogaan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *