BREAKING NEWS
Search

Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro Oo Safar ugu Baxaya Saaka Degmadda Allaybaday ee Gobolka Gabiley iyo Dadka Deegaankaasi oo isku diyaariyay Soo Dhawayntiisa.

Allaybaday(Baarcadeeye) – Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI,Ahna Musharaxa Xisbigaasi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa saaka safar ugu baxaya Degmada Allaybaday ee Gobolka Gabiley.

Safarka Gudomiyaha oo maalmihii u dambeeyay si weyn loo hadal hayay islamarkaana gogol Xaadhkiisa laga dareemayay Guud ahaan Deegaanka Allaybaday ayaa la soo sheegayaa inuu saaka yahay,waxaana Safarkan Gudoomiyaha ku wehelinaya sida Shabakada Baarcadeeye Heshay Masuuliyiin miisaan Culus oo ka tirsan Xisbiga iyo Madaxda Xisbiga kaga jirta Deegaanka Allaybaday oo uu ugu horeeyo Daa’uud Food Cadde iyo Oday Awxereeye.

Waxa uu Gudoomiye Cirro Dadka Reer Allaybaday maanta u jeedin doonaa Khudbad qiime leh oo uu ugu sheegi doono waxa uu degmada horumarkeeda ka qaban doono haddii uu Talada dalka ku guulaysto,isagoo sidoo kalena kormeer ku soo mari doona Jidka Laamayda ah ee dhismaheedu socdo ee isku xidhaysa Allaybaday Iyo Arabsiyo.
Warar Safarka Gudoomiyaha ee Allaybaday goor dhaw kala soco Shabakada Foore.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *