Search

Gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro Oo Kalfadhi Aan Caadi Ahayn Isugu Yeedhay Mudanayaasha Golaha Wakiilada

Hargeysa (Foorenews)- Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Somaliland Mudane C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) ayaa qoraal uu maanta soo saaray waxa uu ugu baaqay mudanayaasha Golaha Wakiilada ee Somaliland inay isugu yimaadaan Kalfadhi aan caadi ahayn oo ku beegan salaasada soo socota ee 7 bishan sideedaad.

 

Nuqulka Qoraalka Gudoomiyaha oo soo gaadhay shabakada Somaliland.Org ayaa u dhignaa:-

Markaan arkay Qodobka 46aad,Faqradiisa 2aad ee “b” ee dastuurka Somaliland.

Markaan arkay Qodobka 8aad,Faqradiisa 2aad,Xarafka “b” ee Xeer hoosaadka golaha Wakiilada.

Markaan Tixgeliyay Codsiga Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ee ku taariikhaysan 01.08.2012,kuna saabsan in golaha la isugu yeedho kalfadhi aan caadi ahayn .

Waxaa dhamaan Mudanayaasha Golaha Wakiilada loogu yeedhayaa kalfadhi aan caadi ahayn oo furmi doona maalinta salaasada 7da bishan sideedaad,si ay u gutaan ayuu gudoomiyuhu yidhi waajib dastuuri ah.”



Foore/Editor General

@Saddam Mohamed.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *