BREAKING NEWS
Search

Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Oo Ka Hadlay Shirka Somalida Bisha May Loogu Qabanayo London

Hargeysa (Foore) Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, ahna Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa ka hadlay shirka bisha May Somaliya loogu qabanayo London, waxaanu sheegay inaan Somaliland ka qayb-galayn haddii uu u gaar yahay Somaliya oo arimaheeda lagaga hadlayo.

Cabdiraxmaan Cirro, oo shalay u waramay Telefiishanja HCTV, ayaa waxa kale oo uu sheegay in hadal ka soo yeedhay Madaxwaynaha Somaliya oo ahaa inay madaxda Somaliya waraaqo is-dhaafsadeen uu yahay mid wakhtigii ka soo hor-maray, isaga oo sidoo kalena tilmaamay inaanu shakhsiyan ogeyn wax wada-hadal ah oo u bilaabmay Somaliland iyo madaxda Somaliya.

Cabdiraxmaan Cirro oo ka hadlaya wada-hadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa waxa uu yidhi “Somaliland iyo Somaliya marbay isku yimaadeen oo ay wada-hadal bilaabeen, wada-hadal kale oo bilaabmayna ma jiro, wada-hadalkii labaadna dawadihi waday waxay qorshaynayaan xagaaga soo socda, oo weli laftiisu ma cadda, laakiin Shirarka Somaliya u gaarka ah Somaliya ayuunbaa iska leh, shirka bisha May la iclaamiyeyna haddii arimaha Somaliya lagaga hadlayo wuxuu noqon doonaa shir Somaliya u gaar ah, Somaliland-na inay ka qayb-galayso ma filayo”

Md Cirro, waxa kale oo uu soo qaaday “Wada-hadalada Somaliland iyo Somaliya hore ayaa loo ogolaaday, haddii labada waddan wada hadlayaana meelbuu taagnaa, meeshii ayuunbaa laga sii qaadi karaa, laakiin shir Somaliya u gaar ah ka qayb-gali-mayno, mowqifka Somaliland, ka xisbigayaga iyo ka baarlamaankuna waa sidaasi”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isaga oo ka hadlaya hadalkii ka soo yeedhay Madaxwaynaha Somaliya “Inuu warkaasi jiro ilamaha aha oo wada-hadal u bilaabmay Somaliland iyo Somaliya, haddii aad tuhun ka qabtaana (saxaafada) waad ka xaqiijin doontaan, laakiin anigu ma qabbo inuu jiro wada-hadal u bilaabmay Somaliland iyo Somaliya, haddii wareegii labaad bilaabmayana wakhti ayay leedahay wayna cadaan doontaa, Madaxwaynuhuna markii uu London tagay waakii cadeeyay in arinkaa tallo qaran laga yeelanayo wakhtiga ku munaasibadka ah, wakhtiga shirka la iclaamiyeyna waa bisha May, markaa Warka Madaxwaynaha Somaliyana sax maaha, waayo dawladihii shirka qaban-qaabinayey waxay iclaamiyeen bisha May, markaa warkaasi waa war ka soo hor-maray xiligiisii”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Go’aanka Madaxwaynuhu qabbo, taladana qaran-na laga yeelanayaa waa inaan laga qayb-galin shir Somaliya u gaarka ah




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *