BREAKING NEWS
Search

Gudoomiyaha Waddani Ee Dilla Iyo Taageerayaal Kale Oo Xisbigaasi Ka Tirsan Oo Dilkii Iyo Shaqaaqadii Ka Dhacday Magaaladaasi Dusha U Saaray Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose

Dila, Sept 23, 2017- (Foore) – Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI ee Degmada Dila ee Gobolkaasi Awdal Ceelaab Maxamuud dufane iyo Taageerayaal kale oo degmadaasi ka soo jeeda ayaa dusha u saaray shaqaaqadii iyo iska hor imaadkii Doraad ka dhacay Degmada Dila ee uu wiilka dhalinyarada ahi ku nafwaayay Masuuliyiinta Maamulka Degmada Dilla ee Dawliga ah,waxa ay si gaar ah farta ugu fiiqeen Xoghayaha Degmadaasi oo ay sheegeen inuu Habeenimadii ka horaysay maalintaasi ay shaqaaqadu dhacday uu calamo ka keenay Hargeysa islamarkaana uu si toos ah oo aan qarsoonayn uu fidmada u hurinayay.sidaasina waxa ay ku sheegeen shir jaraa’id oo ay wada jir ugu qabteen shalay Magaaladda Dilla.
Ugu horayn Gudoomiyaha Dila ee Xisbiga WADDANI Ceelaab Maxamuud ayaa sharaxaad ka bixiyay sida ay wax u dhaceen,waxaana uu yidhi “Aniga Oo Magacayga layidhaah Ceelaab Maxamuud dufane,Gudidii Qaban Qaabada ee Hawshaasi waday ayaanu ahayn,Gudoomiyaha Degmada Xisbiga WADDANI Waan ahay,Hawshaasi aan wadnay Habeenimadii lafteeda waanu ku nabadgali waynay,Ciidamada Bilayska waanu ka nabadgali waynay,meel kasta waa lanagala soo hadlayay,culays badan ayaa nala saaray,Waxaana ka dambeeyay cid aan diyaar u ahayn Xafladii WADDANI inay dhacdo,Shalay aroortii markii ay Xafladii noo fushay ee ay noo suurtagashay,waxaa dhacday in Xafiis naga soo horjeeda oo noojira 25-talaabo oo uu Kulmiye leeyahay inay qolada maamulka Degmada haysataa ay fureen,Cawwo ay dhigteen,jaad ijabane ahna ay soo qaateen,iyadoo aanu ognahay Habeenimadii inay Hargeysa kala yimaadeen, iStiikarro iyo Calamo,Barnaamijkaasi waxa uu ahaa mid maamulan oo sidiisa looga soo shaqeeyay,dabadeed Booramana qolo kale oo ay xidhiidhsanaayeen ayaa ka timid oo dhalinyaro ah,iyagoo markaa u dhiibay calamadii”.
Waxa kale oo uu yidhi“horta anigu Waxaan arkay Baabuur Noah ah oo lagu dhejinayo Stiikaro,tii ayaan eegay oo aan u fiirsaday Kabacdina waxaa iiga soo baxay markaan u dhawaaday inamo yar yar oo calankii loo soo dhiibay,inankii u horeeyay ayaan isku maray,kuwa kale ayaa ku soo gadooday,inankii iyo inamadii inay halkii isku dilaan ayaan ku kala guntaday,waxa dhacday markii dambe aniga oo ninkaasi qacligiisa ogaaday,iyo nooca uu yahay anaga oo aan kaambayn kujirin ayuu hadalo aan laaqi ahayn nagu odhan jiray,waxaan ku idhi,waar ninkaasi fidmo ayuu wadaa,maantana waxaa loo soo banaan baxay wadani,Baritana Kulmiye ayay noqonaysaa,Markhaatiga hadii maxkamad looga baahdo iyo hadii meel kale looga baahdo,waan ka cadaynayaa,Fidmadaasi dhacday Ninka Xoghayaha ka ah degmada Dilla ayaa sameeyay,isaga ayaa calamada Hargeysa ka keenay,isaga ayaa sheegi doona cidii u soo dhiibtay, ”.
Masuul kale oo ka mid ahaa ragga shirka Jaraa’id qabtay ee arintaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “ninkii Hawshaas sameeyay ee Balaayadaasi abuuray,ayaa haddana xalay yidhi Xisbiga ayaa lahaa dambiga,waxaan leeyahay waxaasi wax lagaa aqbalayo maaha,Falaadhina gilgilasho kaagama go’do,waxaanu bulshada u cadaynaynaa In wixii Dilla ka dhacay aanu Xisbiga WADDANI Shaqo ku lahayn ee ay masuuliyadda wixii dhacay ay gaysteen Labada nin ee Maamulka Dilla haysta,waxaan si gaar ah ula hadlayaa Xoghaya Degmadda Dilla,waxaan filayaa inuu isku halaynayo Awooda Wasiirka ay walaalaha yihiin,oo uu dabadeed sidaasi dadka ugu durdurinayo,waxaanu soo jeedinaynaa Wasiirka Arimaha Gudaha inuu xilka ka qaado labadaasi nin,Haddii ay taasi dhici waydo Amniga Degmadaasi ma sugna,waxaana jira Iska horkeen abaabulan oo ay wadaan labadaasi nine ee maamulka haystaa” ayay hadalkooda ku soo koobeen.
Dorraad oo Khamiis ah ayay ahayd markii si ballaadhan xisbiga WADDANI loogu soo dhaweeyey deegaamada Dila iyo Boorama iyada oo marxuumkaasi uu ku dhintay Magaalada Boorama oo shaqaaqo koobani ka dhacday iyada oo la sheegay in dilkaasi uu gaystay askari booliska ka tirsani wakhti dad isku dhaceen iyada oo soo dhaweynta WADDANI si weyn looga dareemayo magaalada Dila ee Gobolka Awdal ka tirsan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *