Gudoomiyaha Degmada Wajaale: masuul xilkiisii Gabay una Ban Baxay Beeninta Wararka Sugan.

Wajaale ( Foore ) )- Febr-28-2013 -Guddoomiyaha degmada Wajaale oo mudo dheer oo ilaa saddex sano ku dhaw xilkaa hayay ayaa lagu tilmaamaan masuul aan inta badan joogin xafiiskiisa waxaanu inta badan jooga Caasimada Hargeysa isagoo telefoon ku maamula xafiiskiisa,intii uu halkaa joogay waxaa gabi ahaanba curyaamay adeegii bulshada,sida caafimaadka,waxbarashada iyo baahiyaha daruuriga ah sida biyaha oo qiime sare foostada lagu kala gato magaalada Wajaale.
Gudoomiyaha Demada Wajaale Xaashi Maxamud Cabdi oo xalay waraysi siiyay warbaahinta la iska arko qaarkooda ayaa habeen hore farta gacanta iska galiyay isagoo dhaliilo aanu umeel dayin oo aan isaga khusayn dusha uga saaray Wargeyska maddax bannaan ee Foore. Gudoomiyaha wajaale oo ka mid ah masuuliyiinta tirada yar ee dib u socodka ku ah maamulada degmooyinka ee xukuumada Siilaanyo ayaa shacabka reer wajaale ku tilmaamaan masuulkii ugu liitay ee soomara degmada wajaale tan iyo intii ay degmonimada qaadatay.Waxaana la sheegaa inuu masuulkani badanka ku mashquulsanyahay dantiisa gaarka ah,isagoo ah ganacsade ka iibsada looda magaalada wajaale ayay iskaga milantay danta guud iyo ta gaarka ahi.
Gudoomiyaha degmada Wajaale ayaan ilaa imika oo mudo dheer uu ahaa gudoomiyaha wajaale aan kala saarin Karin xilka rasmiga ah ee loo igmaday waxaanu intabadan shidka ugalaa waxaan shaqadiisa ahayn isagoo tiisii dayacantahay waayo somalida ayaa ku maahmaahda “tiisaba daryeele ayaa tukale ku daro”. Wakhtigan oo laga dayrinayo adeegii caafimaadka degmada wajaale oo laga boqo qabo inay albaabada u xidhanto xaruntii kali ahayd ee caafimaadka ee halkaa ka furnayd ayaan gudoomiyaha Wajaale kurbo ku hayn. Gudoomiyaha wajaale ayaa lagu eedeeyaa inaan cidiba xisaabin oo aan la ogayn sida uu ugu tagrifalo xoolaha hantida danta guud isagoo hore loogu eedeeyay inuu beer ka dhigtay meel loogu talo galay xabaalo oo duleedka wajaale ku taala. Dhulkan oo ganacsatada wajaale ku iibiyeen lacag ay si taba ruca iskaga ururiyeen, markii baadhitaan lagu soo sameeyayna uu ku andacooday inuu hore ulahaan jiray laakiin lawada ogaa inaanu wax dhul ah hore ugu lahayn halkaa balse uu si tuugasho ah cidhif uga jeexday dhulkaa xabaalaha loo iibiyay
Masuulkan oo la sheego inuu ka aradan yahay luuqada diblomaasiyada ayaa intii uu joogay albaabada u xidhay xidhiidhkii Somaliland iyo Itoobiya u dhexeeyay ee labada daamood ee Wajaale. Waxaanay arintani soo shaacbaxday kadib markii gaadhi dawlada Somaliland ay leedahay u talaabay dhinac Itoobiya taasoo ciidamada Itoobiya rasaas ku soo googooyeen dhaawacan ay usoo gaysteen ciidankii saarnaa.waxaan arintaa kawada xaajooday labada dawladood iyadoo si wayn loo dareemay doorkii ay ka ciyaari jireen masuuliyiintii isaga ka horeeyay oo lagu xasuusto inay iskayshi wayn oo dhinaca nabad galyada ah la lahaayeen Itoobiya oo mararka qaar dhici jirtay inay kulamo ku saabsan xoojinta nabadgalyada ku soo wada yeelan jireen Magaalda Jig-Jiga ee caasimada ismaamulka kililka Somalida.
Sikastaba ha ahaatee, Gudoomiyaha wajaale ayaa la filayaa inay saamayn kursigiisa ku yeelato xaalada cakiran ee dhinaca arimaha bulshada iyo nabadgalyada ah ee ka taagan Degmada Wajaale isagoo aan muujin dhaqdhaqaaq uu ku daboolayo baahiyaha bulsho ee shacabka reer Wajaale iyo gabi ahaanba deegaamada hoosyimaada ay tabayaan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *