BREAKING NEWS
Search

Gudida fulinta UDUB oo sheegay inaanu Axmed Yuusuf Yaasiin ku matelin socdaalkiisa gobolada bari

Hargeysa (Foore)- Xubno ka mid ah Guddida fulinta ee xisbiga kala qeybsan ee UDUB ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen xaruntooda magaalada Hargeysa waxay safar kooxeed ku tilmaameen socdaalka gobolada bari uu ku tagay Guddoomiye Ku xigeenka UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin.

Xubnahani waxay Taageereyaasha xisbiga UDUB ku war-geliyeen inaanu Axmed Yuusuf Yaasiin matali Karin bahweynta xisbigooda.

Wasiirkii hore ee Hawlaha guud Siciid Sulub oo halkaasi ka hadlay ayaa ku eedeeyay Garabka Axmed Yuusuf Yaasiin inay socdaal kooxaysan oo aanu xisbigu u dhamayn ay ku tageen Berbera, waxaanu yidhi ““Waxaan idiin sheegayaa laba qodob oo kala ah safarkan uu gudoomiye ku xigeenku uu ugu baxay in uu yahay safar kooxaysan, qodobka kalana waa gudoomiyihii xisbiga oo imanaaya qoladaasina ay u banaysay anaguna inaan u diyaar garoobayno soo dhawayntiisa hadii alle idhaahdo lixda gobolna waxaan leeyahay cidii soo gaadhi karaysa ha ka soo gaadho.”

Siciid Sulub oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “ Bah-weynta saxaafadaay waxaan maanta dooneynaa inaan idin sheego waxoogaa khilaaf ah oo xisbiga baryahan danbe soo kala dhex galay, waxaana aan isku daynay inaan dawayno oo aan qarsano inta aanu qarin karno laakiin waanu qarsan kari waynay waanu soo baxay. Kilaafkan ninkii noogu odaysanaana ayaa khilaafkan abuuray.”

Sidoo kale, waxa shirkaasi jaraa’id ka hadlay Ku simaha Guddoomiyaha xisbiga UDUB C/Xaliim Maxamed Muuse.

“waxaan maanta halkan isugu nimi in aan beenino safar uu gudoomiye ku xigeenka Axmed Yuusuf iyo xubno afar ah oo ka mid ah golaha fulinta ku tagay gobolada bari inaanu matalin safarkaasi bah-weynta xisbiga UDUB. waxaana balanku uu ahaa in iyada oo loo dhan yahay gobolada loo baxo.”

Sidoo kale, waxa halkaasi ka hadlay Xildhibaan Baar Siciid Faarax oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada iyo Wasiirkii hore ee qoyska iyo arrimaha bulshada Faadumo Suudi Xasan oo labaduba si kulul u naqdiyay Axmed Yuusuf Yaasiin oo ay ku tilmaameen masuul xisbigiisii kala qeybiyay oo garab isaga taabacsan samaystay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *