Gudida Doorashooyinka Oo Shir La Yeeshay Ururadda Siyaasadda Iyo Xisbiyadda

Hargeysa (Foore)-Kulan balaadhan ayaa maanta magaalada Hargaysa waxa uu si wada jir ah ugaga furmay Gudiga Doorashooyinka Qaranka, Gudiga Diiwaangelinta, Xisbiyada Qaranka iyo ururada siyaasadda kaasi oo lagu falan-qeynayay shaqada kormeerayaasha Doorashooyinka.

Kulankan balaadhan oo ay soo xaadireen gudoomiyayaasha iyo madaxda sare ee Xisbiyada iyo ururada siyaasadda ee qaranka ayaa waxa ujeedadiisu tahay sidii loo tababari lahaa kormeerayaasha Doorashooyinka ee ka socda Axsaabta iyo ururada siyaasadda oo ay weheliyaan kormeerayaasha gudida doorashooyinka ee goobaha codbixinta.

Gudoomiyaha gudida Doorashooyinka eng. Ciise Yuusuf Xamari oo hadal ka jeediyey kulankaasi waxa uu sheegay inay ahmiyad weyn leedahay sida uu Qofka kormeeraha doorashooyinka noqonayaa u ogaan lahaa waxa uu kormeerayo, sababta uu u kormeerayo iyo sida uu u kormeerayo. tababarkan la siinayana ay gacan ka gaysatay Hay’adda IRI, inkastoo buu yidhi gudoomiyahu ay gudida doorashooyinku dareensan yihiin in waxyaabo badani qabyo ka yihiin hawshan.

Gudoomiyaha Gudiga Diiwaangelinta Cabdirisaaq Ciyaale oo ka hadlay kulan hawleedkaasi ayaa sheegay in tababarkan la bixinayaa uu wax weyn ka tarayo sida loo dhacsiin lahaa ururada iyo axsaabta siday ula socon lahaayeen hawsha doorashada iyo sida xeerarka doorashooyinka loo dhacsiin lahaa dhalinyarada aan soo marin doorashooyin hore taasoo ay soo raacdo sidii kormeerayaasha loo siin lahaa tababar ku filan oo saamaxaya xafidaada iyo fulinta waajibaadkiisa.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *