BREAKING NEWS
Search

“Guddoomiye Muuse Biixi Waxaanu Ku Kala Maqnayn Dardar Gelinta Xisbiga Ee Iskumaanu Ogayn Burburintiisa”… Sahal

Burco (Foore)- Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee xisbiga Kulmiye ee gobolka Togdheer Md. Sahal Aadan Maxamed ayaa sharci darro ku tilmaamay go’aankii uu Dhawaan Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye xilalkoodii kaga caydhiyey qaar ka mid ah guddoomiyayaaasha xisbiga ee qaar ka mid ah gobolada dalka isaga oo sheegay in Xisbiga KULMIYE haddii hogaankiisu sidaa u sii dhaqmo ay keeni doonto in xisbigu hoos u dhac weyn kala kulmo Goboladii laga taageeri jiray sida uu hadalka u dhigay masuulkani.
Guddoomiyihii hore ee xisbiga Kulmiye ee gobolka Togdheer Mudane Sahal Aadan Maxamed oo ka hadlay xil ka qaadistiisa ayaa guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyey inaanu xil-ka qaadistaasi u raacin dastuurka iyo sharcigii u yaallay xisbiga Kulmiye isla markaana guddoomiyuhu jeexay waddo sharci darro ah.
Sahal Aadan oo warbaahinta la hadlay ayaa yidhi: “Waxaan Iftiimayaa qaabka la ii baddalay ama loo badalay guddoomiyayaashii kale ee gobolada dalka inaanay sharci ahayn dastuurkana waafaqsanayn, waa arrin aan wada tashi, doorasho iyo dastuur uu xisbigu leeyahay midna ku iman, wadada uu gudoomiyuhu u maray xilka qaadistaasi oo ah mid xeererka KULMIYE baal marsan. Xisbiga ayaa waxay tahay wado u horseedaysa guul darro, waana hab cusub oo guddoomiyuhu la soo baxay xataa war gelin namuu siin arrintii ugu danbaysay ee aanu ku kala tagnayn waxay ahayd maamuladiina soo dhista, sidii aanu ugu guda jirnay dhismihiina digreetadan ayaa soo baxday” Ayuu yidhi guddoomiyihii hore ee xisbiga kulmiye u qaabilsanaa gobolka Togdheer.
Sidoo kale waxa uu gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ugu baaqay inuu ka noqdo xil ka qaadista uu ku sameeyey gudoomiyayaasha gobolada ee xisbiga waxaanu mar kale yidhi isaga oo arrimahaa ka hadlaya: “Guddoomiyaha KULMIYE waxaan leeyahay maanta way dhacday oo waad samaysay laakiin waxaanu ku leenahay dib uga noqo waayo adiga oo maanta guddoomiye xisbi ah oo doonaya inaad mustaqbalka noqoto madaxweynaha dalka haddaad dastuurkii iyo sharcigii xisbiga u yaallay iyo wada tashigii aad hareer marto markaad madaxweyne noqoto maxaad samaynaysaa, albaabo badan oo sharci darro ah ayaad furaysaa”.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *