Search

Guddoomiye Cirro Oo Qaab Jilicsan Uga Jawaabay Weerarkii Siyaasadeed Ee Shalay Madaxweye Siilaanyo U Laqimay

Hargeysa (Foore) – Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa dafiray eedayn uu Madaxweyne Siilaanyo u soo jeediyay Shalay ka hor intaanu u bixin Gobolada Bariga Somaliland,waxa uu Ciro ku garnaqsaday inaanay jirin meel uu ka yidhi hadalkaasi uu Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey ee ahaa inuu Korodhsiimada loo sameeyay kursigiisa Golaha Wakiilada Xalaal ka dhigo,halka korodhsiimaha madaxweyne Siilaanyana bulshada u Sawiro inuu Xaraan yahay.
Madaxweyne Siilaanyo oo safar ugu baxay Gobolada Bariga Somaliland Shalay ayaa ka hor intaanu bixin Saxaafada kula hadlay Xarunta Madaxtooyada,isagoo eedo culculus u xabaarshay Gudoomiye Cirro,waxa uu ku sheegay inuu la yaaban yahay Gudoomiye Cirro oo Kursiga uu ku fadhiyo ee gudoomiyaha Wakiilada laba jeer guurtidu u kordhisay waxa xalaal ka dhigay, Kursigiisana “Siilaanyo” oo hadda guurtidu u kordhisayna Xaraan ka dhigay. Waxa uu sidoo kale sheegay in xeerka aan wali la samayn ee lagu dooran lahaa wakiillada guddoomiye Cirro leeyahay masuuliyaddiisa.
Haddaba Gudoomiyaha Golaha Wakiilada oo isna Saxaafada La Hadlay si uu uga jawaabo eedaasi uu Madaxweyne Siilaanyo u soo jeediyay ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidan“Waxaan u malaynayaa inaan la soo helayn meel aan ku idhi Kursigayguna waa Xalaal ka madaxweynuhuna Waa Xaaraan,Madaxweynuhu wuxuu yidhi waddanka Anigaa ka Masuul ah, Anaguna intaas uun baanu lahayn oo aanu ku celcelinaynay,Madaxweyne dalka Adigaa ka Masuul ah, Doorashadii Adigaa ka Masuul ah, Nabad Galyadiisa Adigaa ka Masuul ah ee Madaxweyne Doorashadii qabo”.
Guddoomiye Cirro, oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Wax walba wakhti ayay leeyihiin, Waxaanu soo jeedinaynay uun in Madaxweynuhu doorashada qabto,Umaddu inaanu kuraasta u bannayno xaq bay noogu leedahay, kayga iyo kiisaba,Arrinta doorashada xalkeedu Madaxweynaha ayuu saaran yahay,Xeerarku 99% waxay ka yimaadaan dawladda,Xeer aan Anigu Gacanta ku hayaana ma jiro,Sida madaxweynaha iyo xildhibaanadu ku doodaan 54 Mudane ayay xukuumadda ugu jira Golaha ee hadday Madaxweynaha ka dhab tahay in xeerka la ansixiyo 54-kaas Mudane ayaa ku filan, Bari hala amro mudaneyaashiisa kadibna ha la Ansixiyo”.
Guddoomiye Cirro ayaa sheegay inaanu isagu lahayn Awooda Masuuliyadda xeerkan “Anigu waan guddoomiyaa ee waxaan gacanta ku hayaa ma jiro, meesha waa la soo dhigaa waa laga doodaa, diyaar baanuna u nahay wixii ku xidhan Golaha in nidaamkiisa la mariyo, Xeerkana la keeno laakiin,mar walba waxaan rumaysnahay in Carqalada ugu weyn ee Xeer dejinta haysataa tahay faro galinta Xukuumadda”.ayuu hadalkiisa ku soo koobay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *