Search

Guddoomiye Cirro Oo Muuse Biixi Ku Masaalay 20-Jir Mudug Jooga, Uguna Baaqay Inuu Mideeyo Xisbigiisa

Hargeysa (Foore)-Guddoomiyaha Xisbiga WADDANi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa talo odaynimo u soo jeediyey dhigiisa KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo uu sheegay in loo baahan yahay inuu Xisbiga ka odayeeyo, waxaana uu si maldahan uga jawaabay hadal uu Guddoomiyaha KULMIYE ka yidhi shirka golaha dhexe ee Exisbiga WADDANI.
Cabdiraxmaan Cirro oo arrimahaas ka hadlaya ayaa hadalkiisa ku bilaabay “waxaan u sheegaya saaxiibkay Muuse marar badan wuu ka hadlay waxyaabaha shakhsiga ah laakiin wali kelmadii hore ayaanu ugu baaqaynaa waxaanu ugu baaqaynaa Xisbiga inuu odaynimo ku maamulo oo waxa cadhadooday soo ladqabeeyo oo Xisbiga mideeyo, Xisbigu waa midaysan yahay ayuu yidhi inuu midaysan yahay iyo in kalena waxaa marag furi doona berito haddii rag Xisbiga mideeyana waynu arki haddii kalena shacbigu wuu arki, taladaa odaynimada ayaanu ugu baaqaynaa mar kale wax dhibaato ah ugu baaqi mayno laakiin waxaan ka baqayaa inuu xaalka guddoomiyuhu noqdo 20 jir mudug jooga ilaahay uma xil qarin” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *