BREAKING NEWS
Search

Guddoomiye Cirro Muxuu Ka Yidhi Wada Hadal Dhex Maray Isbahaysiga KULMIYE, In Xisbiga Lagula Tartamo iyo arrimo Kale

Hargaysa (Foore)- Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Cirro ayaa ka hadlay xaalada xisbigiisa iyo warar maalmihii u dambeeyay xisbiga WADDANI ka soo baxayay oo ku saabsanaa inuu kulammo la yeeshay isbahaysiga Murrashixiinta Kulmiye oo hore u qaadacay shirkii golaha dhexe ee Kulmiye.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI ahna guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Ciro oo wax laga waydiiyay inuu kulamo la yeeshay Murrashixiintii Kulmiye qaadacay iyo ku xigeenkiisa ,waxaanu sheegay in cid walba Kulamo la yeeshaan .Sidoo kale wakhti guddoomiye Cirro dalka ku soo laabanayay ayuu iftiimiyay inay telefoonka ku wada hadleen xubnaha mucaaradaya musharaxiinta Kulmiye.

Guddoomiye Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay in xisbigiisa dhexdiisa lagu dhex tartami doono isagoon si toos ah u sheegin in lala tartami karo isaga iyo Axmed Muunin Seed.

Halkan Ka Daawo Waraysiga Guddoomiyaha WADDANI:




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *