Search

Guddoomiye Ciro Oo Guurtida Ugu Baaqay In Ay Fuliyaan Heshiiskii Xukuumadda Iyo Xisbiyada Dalka

Hargeysa (Foore)- Guddoomiyaha golaha wakiilada ahna guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Md Cabdiraxman Ciro ayaa sheegay inay golaa guurtida Somaliland ka jaraynayaan inay fuliyaan wixii ay ku heshiiyeen asxaabta qaranka,madaxwaynaha iyo shacabka Somalilandba.“waxa aan xusayaa uun in lagu heshiiyay maalinta doorashada,asxaabtii,shacabkii iyo madaxwaynihiiba,waxa aanu filaynaa,rajaynayaa in la fuliyo waliba golaa guurtidu filiso” Md Cabdiraxmaan Ciro oo ka hadlayay madal xisbiga waddani qado sharaf ugu sameeyay Madaxwaynihii hore ee Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin. Hore ayay xukuumada iyo saddexda xisbi qaran heshiis uga gaadheen maalinta doorashada la qabanayo wallow golaha guurtida Somaliland ku gacan saydheen heshiiskaasi isla markaan sheegeen inay iyagu xaq u leeyihiin inta xukuumadda loo kordhinayo.
Guddoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland ahna Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa isagu ku dhegsan in aan marnaba la aqbali Karin go’aanka Golaha Guurtidu ka soo daba saartay heshiiskii ay saddexda xisbi qaran iskula qaateen muddoda doorashada dalku qabsoomayso waxaany sheegay in aanay umadda u cuntamayn waxa Guurtidu ku dheggan tahay isaga oo ugu baaqay in ay umadda dhagaystaan oo ay ixtiraamaan heshiiska saddexda xisbi qaran oo ahaa mid khilaaf dalka ka saaray.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *