Search

Guddoomiyayaasha Saddexda Xisbi Oo Sheegay Inay Maxkamadda Sare U Gudbiyeen Inay Ixtiraamto Heshiiskii Ay Madaxtooyadda Ku Galeen

“Waxaanu Saddexda Xisbi Kawada Hadalnay Codsigii Madaxweynuhu U Soo Gudbiyay Maxkamada Sare Ee Fasiraad Ka Bixinta Qaraarkii Dastuuriga Ahaa Ee Guurtida Iyo Soo Jeedintii Xisbiyada Siyaasada”. Garyan Aadan X.Cali.

Hargeysa (Foore)- Gudoomiyayaasha Saddexda Xisbi Siyaasi ee Somaliland,Muuse Biixi Cabdi KULMIYE,Cabdiraxmaan Cirro WADDANI iyo Gudoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe ayaa shalay kulan gaar ah la yeeshay Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland Md Aadan Xaaji Cali oo gacanta ku haya kala saarista labadii go’aan ee Guurtida iyo Axsaabta Siyaasadu si gooni gooni ah ugu kala dhawaaqeen wakhtiga ku haboon qabsoomida Doorshada Wakiilada iyo Madaxtooyada Somaliland, Go’aanadaasi oo muran ka dhashay islamarkaana kala saaristooda uu dhawaan Madaxweyne Siilaayo u gudbiyay Maxkamada Sare.
Markii uu kulankaasi soo dhamaaday ayaa waxa ugu horayn Warbaahinta uga warbixiyay Xarunta Maxkamada Sare Dhexdeeda Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo ay labada Gudoomiye ee Kale wakiiisheen inuu u hadlo, waxa uu Faysal Cali Waraabe warbaahinta u sheegay in Kulankaasi ay Gudoomiyaha Maxkamada Sare la yeesheen ay kala hadleen inuu Ixtiraamo heshiiskii saddexda Xisbi Siyaasi ku wada galeen Xarunta Madaxtooyada Somaliland Dhexdeeda,waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Waad ogtihiin oo Madaxwaynuhu wuxuu usoo gudbiyay in ay maxkamadu tafsiir kabixiso qodobadii la isku hayay, labadii go’aan, kii guurtida iyo kii sadexda xisbi iyo xukuumadu ay wada saaxeexeen , markaa waxay maanta noogu yeedheen wada Tashi, waxaa Illaahay mahadiiya in aan Sadexdayada xisbiba isku raacnay go’aankii aanu wada saxeexnay ee ahaa 2016ka inay doorashadu inoo dhacdo haddii Alle yidhaa”. Ayuu hadalkiisa ku sooo koobay.
Dhinaca Kale Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali oo isna dhinaciisa warbaahinta la hadlay markii uu shirkaasi uu la galay Saddexda Xisbi Siyaasi soo idlaaday ayaa sheegay in Kulankan uu la yeeshay Saddexda Xisbi siyaasi uu kala hadlay arinta Go’aamada lagu muransan yahay,waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Sidaad lasocotaan, 8-dii bishan Bishan sideedaad ee aan ku jirno ayuu Madaxwaynuhu usoo gudbiyay codsi fasiraad maxkamada distooriga ah, Qaraarkii Dastuuriga ahaa ee Golaha Guurtidu soo saareen iyo soojeedintii Saddexda xisbi,markaa si aanu arinkaa tafsiir uga samayno waxaanu uyeedhnay Hay’addaha ay khusayso si aanu wada tashi ugala samayno sidaad maanta arkaysaynaa waxaanu wada tashi lasamaynay sadexdii xisbi oo wada jooga” Ayuu Hadalkiisa ku soo koobay Gudoomiyaha Maxkamada Sare.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *