Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID Oo Weerar Qaawan Ku Qaaday Ismaaciil Hurre Buubaa, Kuna Tilmaamay Inuu Kaw Ka Yahay Raggii Dagaalkii Sokeeye 1994-Kii Somaliland Ka Riday

Gabiley, November 9, 2017- (Foore)- Gudoomiyaha,Ahna Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa weerar Qaawan shalay ku qaaday Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa oo ka mid ah saraakiisha sare ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI,Waxa uu ku eedeeyay inuu horseed ka ahaa raggii huriyay dagaalkii sokeeye ee Somaliland ka dhacay 1994-kii ,waxaana uu ka digay inuu haddana qorshaynayo inuu mar kale dagaal sokeeye ka rido dalka haddii uu Xisbigiisu talada lagaga guulaysto ama uu guul daraysto.
Eng Faysal Cali Waraabe ayaa sidan ka sheegay maruu shalay goob fagaare ah ugu khudbadaynayay kumanaan Reer Gabiley ah oo taageersan Xisbigiisa,waxaana hadaladiisii ka mid ahaa“Raggii dagaalkii sokeeye Somaliland ka riday maanta way soo noqdeen,Ismaaciil Buubaa waa uu joogaa,Ninkii bahasha ridi jiray waa fadhiyaa ma ogtahay,Maanta anaga ayaa xal iyo xul ah,Maanta dalkan inaan Isbadel ku sameeyo ayaan doonayaa,aniga Sunnaha Rasuulka NNKH iyo Kitaabka Alle ayaa ila jira,anigu qabiil ma wato,waaniga Madaxweyne ku xigeenka Reer Laascaanood ka keenay,waanigii nabad Khaatumo ka shaqeeyay,Somaliland ayaan ka shaqeeyay,inta jeer ee ay Somaliland khatar gashay waad ogtihiin,Bal Cirro muxuu inagu darsaday,Ilaah ayaan idinku dhaarshee,Muuse Waxa uu leeyahay Mujaahid ayaan ahay,Mujaahidnimadii way dhamaatay,Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa u dambeeyay Mujaahid,waynu xidhnay Baalkii Mujaahidiinta,waxaa la furayaa baalkii horumarka,ictiraafka iyo cadaalada”.
Waxa kale oo uu khudbadiisaasi ku sheegay oo uu yidhi“Maanta waxaan idiin sheegayaa,Saddex nin ayaanu ku ordaynaa oo reer Somaliland ah,Saddexdayaad nin Midi isagu xamar ayuu ku socdaa,oo waa nin inaga tagay,hasoo saarina, Ninkan Reer Xareed ee bari dhawayd soo saaray ee u eg Kafiida, u sheega,Tukaale u sheega,Tukaale yaanu idin waalin,Maanta aniga iyo Muuse Biixi ayaa soo hadhnay wax reer Somaliland ah,Muuse Waad ogtihiin oo beelo dhan ayaa diidan,Haddii uu Muuse Biixi soo baxo dagaal sokeeye ayaa dhacaya,Qoloda Taageersan WADDANI Waxa ay leeyihiin haddii uu Muuse soo baxo xabad ayaanu ka xignaa”.
Eng Faysal Cali Waraabe ayaa shalay safar iyo dhoolatus ku gaalaa bixiyay Gobolka Gabiley waxaanu dhawr goobood iyo tuulo oo lagu soo dhaweeyay ka jeediyay Khudbado dhinacyo bada taabannaysa iyo codsi uu taageerayaashaasi kaga dalbanayay inay codkooda siiyaan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *