Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Wadani Oo Magacaabay Xilal Cusub

Hargeysa (Foore) -Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayaa maanta magacaabay xilal cusub.

Ujeeddo: Magacaabis Xilal

Marwooyin iyo Mudanyaal,

Tixraac shirkaa xubnaha Hogaanka Xisbiga ee 23 Feb 2013

Tixraac Shirkii Gudidda Fulinta ee 2 March 2013

Tixraac shirka xubnaha Hogaanka Xisbiga ee 9th March 2013

Tixraac Qod. 28aad ee Xeerka Xisbiga

Tixraac Qod. 29aad ee Xeerka Xisbiga

Si loo dardargeliyo hawlaha Xisbiga Waxa Hogaanka iyo Gudidda Fulinta isla qaateen in la bilaabo dhismaha qaab dhismeedka Xisbiga.

Iyada oo laga duulayo hirgelinta go,aankaas waxa lagu wargelinayaa xubnaha warqaddu tooska ugu socota in loo magaacaabay xilalka hoos ku qoran.

1. Md. Jamaal Jamac Xaamud, Ku Xigeenka Xoghayaha Guud.

2. Md. Axmed Xaaji Daahir, la Taliyaha Gudoomiyaha ee Arrimaha Siyaasadda

3. Md. Axmed Xuseen Fagfagaash, Xoghayaha Maaliyadda.

4. Md. Xasan Xuseen Maxamed (Codyare), Hanti Dhawraha Guud ee Xisbiga.

5. Md Fawsi Xaaji Cabdilaahi Diiriye, Xoghayaha Ganacsiga iyo Warshadeynta.

6. Xil. Maxamed Wali Cali Xasan, Xoghayaha shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

7. Dr. Elmi Maxamed Cabdi, Xoghayaha Qorsheynta.

8. Md. Maxamed Xasan Dirir, Xoghayaha Warfaafinta.

9. Md. Jamaac Maxamed Cabdi Hilaac, Xoghayaha Deb u dejinta.

10. Md. Xasan Axmed Muuse, Xoghayaha Xanaanada Xoolaha.

11. Sheekh Axmed Cabdilaahi Xuseen (Alimaam), Xoghayaha Garsoorka (Judiciary).

12. Marwo. Roda Cabdi Muuse, Xoghayaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

13. Md. Cali Cabdilaahi Dagaal, Xogahayha Dhaqanka iyo Hidaha.

14. Md. Axmed Cabdilaahi Maxamed (Dhagayare), Xoghayaha Waxbarashada iyo tacliinta sare.

15. Md. Cabdilaahi Jaamac Daahir (Cabdilaahi Baashe), Xoghayaha Diinta iyo awqaafta.

16. Md. Cismaan Afgaab Nuur, Xoghayaha Golaha Dhexe.

Xubnaha xilalka loo magaacabay waxa la farayaa inay xilakaas Xisbigu u magaacabay u gutaan si waafaqsan Xeerka Xisbiga, waxaanan ilaahay u baryeynaa inuu fududeeyo gudashada xilakaas? ayaa lagu yidhi Wareegtadaasi




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *