Guddoomiyaha Xaqsoor Iyo Wefti Uu Hoggaaminayay Oo Gaadhay Magaalada Burco

Burco (Foore)- Wefti ka tirsan urur siyaasadeedka Xaq-soor oo uu Hoggaaminayay Guddoomiyaha ururkaasi Md. Xasan Ciise Jaamac oo shalay gaadhay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, waxaana si balaadhan loogu soo dhaweeyay magaaladaasi.

Gaadiid Tiro Badan oo ay wataan taageerayaasha ururka Xaq-soor ee gobolka Togdheer oo ay ku sharaxnaayeen astaanta ururkaasi ayaa tuulada Qoyta oo ku taala waqooyiga Burco kaga hortagay weftigan kuwaasi oo u soo galbiyay dhinaca magaalada Burco isla markaana markii danbe ku dajiyay xarunta guud ee ururkaasi ku leeyahay gudaha Burco.
uddoomiyaha Ururka Xaqsoor Xasan Ciise Jaamac oo markii uu soo gaadhay magaalada la hadlay taageereyaashiisa wuxuu yidhi “ Dadweynaha Burco, hawlwadeenada ururka Xaq-soor ee gobolka Togdheer dhamaantiin aad iyo aad ayaan idiinku mahad-naqayaa sida diiran ee aad noo soo dhawayseen, waxaanan ilaahay ugu xamdi-naqayaa in uu Burco nabad nagu keenay muddo ayaynu kala maqnayn. waynu wada tashan doonaa, qorshe ayaynu samaysan-doonaa oo waynu wada hawlgali-doonaa ,Insha Allah tacaalana waynu wada guulaysan-doonaa doorashada.”

Xasan Ciise Jaamac waxa uu ku dooday in ururkiisu Taageero weyn ka haysto gobolka Tpgdheer, waxaanu yidhi “Urur Siyaasadeedka Xaqsoor waxa uu yahay mid ku haysta Gobolka Togdheer taageero balaadhan taasi oo an rajaynayno inay qayb ka noqondoonto guusha mustaqba ee ururkan waxaana haatani dhamaanba si weyn u muuqda ifafaalada muujinaysa in ururani inshalah uu ka mid noqodo sadexda xisbi ee ka gudba doorashada golaha degaanka ee dalka dhawaan ka qabsoomi doonta.”

Sidoo kale waxa iyana halkaasi ka hadlay oo weftigan ka mid ahaa masuuliyiin kale oo ka tirsan ururka Xaq-soor oo hore uga soo wareegay ururkii Horyaal ,kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Farxaan Cilmi Cali iyo Siciid Axmed Cabdilaahi .

Guddoomiyaha Xaqsoor iyo masuuliyiinta la socotay waxay labadii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaayeen magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil halkaasi oo ay kulamo lagu dar-dar gelinayo xafiisyadooda gobolkaasi ku yeesheen. Waxa kale oo ay kulamo la yeesheen murashixiinta doorashada deegaanka ee degmada Berbera.

Waa markii u horeysay ee Guddoomiyaha ururka Xaq-soor gobolka Togdheer gaadho ilaa iyo intii Xukuumadda Axmed Siilaanyo Dabar-ka ka jartay ururada siyaasada.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *