BREAKING NEWS
Search

Guddoomiyaha Wakiiladda oo furay Shirweynihii labaad ee Jaamacadda Golis

Hargeysa (Foore)- Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi oo uu weheliyo Wasiirka Boosaha iyo is-gaadhsiinta Axmed Xaashi Oday, ayaa maanta ka qayb galay shir-weynihii labaad ee Jaamacadda Golis oo lagu qabtay Huteel Maansoor ee Magaalada Hargaysa. Shir-weynahan ayaa inta uu socdo lagaga hadli doono qorshaha istiraatijiyadda jaamacadda ee ilaa sanadka labada kun iyo shan iyo tobanka.

Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Mudane C/raxmaan Maxamed C/laahi, oo ka hadlay furitankii shirka ayaa sheegay inuu la socday markii la aasaasayey Jaamacadan ,waxaanuu xusay in marka la eego halka ay maanta Jaamacaddu marayso iyo Sooyaalkii ay soo martay iyo halka ay higsanayso. Waxaanu tilmaamay inay jaamacado horumar samaysay.

Gudoomiyaha Wakiiladdu waxa kale oo uu sheegay inuu shirweynahan ka rajaynayo in uu ka soo baxo qorshe waxbarasho oo sii xoojiya horu-socodka jaamacadaasi.

Wasiirka wasaarada Boosaha iyo Is-gaadhsiinta oo isna halkaasi ka hadlay ayaa isna ka waramay Jaamacadda Golis in ay maanta marayso meel aad u wanaagsan, isaga oo wasiirku xusay in tan iyo markii al-baabada loo furay uu la socday jaamacadda.

Wasiirku waxa uu guud ahaan u soo jeediyey Jaamacadaha Hargeysa, inay wax ka bedelaan nidaamkooda waxbrashada waxaanu kula dardaarmay inay qaataan nidaam dhaqankeena iyo Shuruucdeena lagu dabaqayo.
Wasiirku waxa uu tusaale u soo qaatay in iyadoo laga duulayo in nolosha guud ee bulshadeenu ay ku xidhan tahay dhaqashada Xoolaha ay daruuri tahay sidii loo heli laha Kuliyadii culuunta xoolaha iyo tii beeraha, Dr. Axmed Xaashi Oday waxa uu intaas ku daray in Magaalada Burco oo keliya ay ka furan tahay Kuliyad beeraha ah iyo Xoolaha.

Gudoomiyaha Jaamacadda Golis Dr. Siciid Axmed Xasan oo Masuuliyintaasi ka hor halkaasi ka hadlay ayaa ka xog-waramay maraaxilkii jaamacaddu soo martay iyo qorshaha ku talagalkeeda ee mustaqbalka, waxaa kale oo uu iftiimiyay Himilooyinka ay Jaamacada Golis higsanayso




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *