Search

Guddoomiyaha SONYO Oo Tacsi Ka Diray Geerida XAAJI MUUSE CAYNAAN RIIRAASH Oo Saaka Boorama Lagu Aasayo

Guddoomiyaha Dalladda Ururrada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO Md. Siyaad Cumar Cali oo ku hadlaya magaca Guddoomiye ku xigeenka dalladda SONYO Md. Cabdiqani Maxamed Jiidhe, Dhammaan xubnaha Golaha sare ee SONYO, Agaasimaha Fulinta SONYO Md. Siciid Maxamed Axmed, dhammaan xubnaha isuduwayaasha Gobolada ee SONYO, dhammaan Ururrada Dhallinyarada Somaliland iyo guud ahaan dhallinyarada dalku waxa uu tacsi u dirayaa dhammaan ehelka iyo Qaraabada uu ka baxay Alla Ha U Naxariistee Marxuum XAAJI MUUSE CAYNAAN RIIRAASH oo Hargeysa ku geriyooday maanta oo Axad ahna lagu aasayo Magaalada Boorama.
Guddoomiye Siyaad waxa uu Marxuum XAAJI MUUSE CAYNAAN RIIRAASH oo ka mid ahaa odayaasha waaweyn ee reer Somaliland Ilaahay Uga Baryayaa in uu naxariistii Janno ka waraabiyo innagana samir iyo iimaan innaga siiyo.
Aaamiin ..Aaamiin. Aaamiin




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *