Search

Guddoomiyaha SONYO Oo Dhammaan Shacabka Somaliland Gaar Ahaan Bahda Saxaafadda Ka Tacsiyeeyey Geerida Axmed Xasan Cawke

Hargeysa (Foore)- Guddoomiyaha Dalladda Heer Qaran ee Ururrada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO Md. Siyaad Cumar Cali oo ku hadlaya dhammaan magaca guud ahaan dhallinyarada Somaliland, gaar ahaan Golaha sare ee SONYO, shaqaale-weynaha Xarunta dhexe ee SONYO, isu-duwayaasha SONYO ee Gobolada Somaliland, Wakiilada SONYO ee dalalka Dibadda, dhamaan xubnaha Ururrada dhallinyarada Somaliland meel kasta oo ay adduunka ka joogaan waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan Shcuubta Umadda Soomaaliyeed, Gaar ahaan reer Somaliland, Qoyskii iyo qaraabadii iyo bahdii saxaafadda Soomaalida ee uu ka baxay Marxuum, Axmed Xasan Cawke, waryihii weynaa ee caanka ahaa oo xalay goor dambe ku geeriyooday Caasimadda Dawlad deegaanka Soomalida Itoobiya ee JIGJIGA, kaasi oo lagu aasay Degmada Tog-wajaale.
Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun
Guddoomiyaha dalladda SONYO waxa uu marxuumka ku sifeeyey shakhsi si weyn loo tabi doono dhammaan umadda Soomaaliyeed iyo gaar ahaan shacabka Somaliland-na magac iyo maamuus ku dhex lahaa isaga oo si gaar ah geeridiisa uga tacsiyeeyey bahda saxaafadda qaranka.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *