Guddoomiyaha Sonyo Iyo Wefti Uu Hogaaminayo Oo Safar Shaqo Ku Tagay Degmada Sallaxley

Sallaxlay (Foore) Mar 31,2013 – Hoggaanka Dallada Dhallinyaradda Somaliland ee SONYO ayaa socdaal shaqo ku tagay degmada Sallaxley iyagoo u kuurgalay xaalada dhallinyaradda ee degmada Sallaxley isla markaana soo kormeerey Xarunta Dhallinyaradda Sallaxley ee uu maamulo Ururka Horumarinta Dhallinyaradda ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaan SAYDO, ururkaas oo xubin firfircoon ka ah dallada SONYO.
Guddoomiyaha Dallada SONYO, Mud. Mubaarik Ismaaciil Taani oo isagu safarkaas hoggaaminayay ayaa waxaa socdaalkaas shaqo ku wehelinayay Guddoomiye-xigeenka Mud. Mustafe Maxamed Daahir, agaamisamaha Siciid Maxamed Axmed iyo Madaxa Mashaariicda Shaqo-abuurka Mr. Khadar Xariir.
Waftigu waxay Xarunta Dhallinyaradda Sallaxley (Sallaxley Youth Center) kula kulmeen Maayarka ahna guddoomiyaha degmada Sallaxley, Maayar Maxamed Ibrahim Baddal iyo Xoghayaha Fulinta dawlada hoose ee Sallaxley, Mr. Ibrahim Cabdi Galaal iyo sidoo kale xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka Sallaxley. Waftigu waxay sidoo kale la kulmeen dadweynaha degmada ku dhaqan sida dhallinyaradda, haweenka iyo odayaasha degmada. Ka dib, kormeer iyo indho-indheyn ay waftigu ku sameeyeen xarunta Sallaxley Youth Center ayay waftigu kulamo la yeesheen masuuliyiinta golaha deegaanka Sallaxley ee dhowaan la doortey iyo dhallinyaradda degmada ku dhaqan.
Xaflad soo dhaweyn iyo is-xog-wareysi daarneyd ayaa uu ka hadlay Guddoomiyaha Ururka SAYDO isagoo sheegey in Waftiga ay u bandhigayaan xaalada Xarunta Dhallinyaradda isla markaana ay SONYO ka codsanayaan inay ka taageerto daboolida baahiyaha dhallinyaradda Salaxley sida addeegyada wacyi-galinta, waxbarashada dadban, ciyaaraha iyo kor-u-qaadida aqoonta da’yarta. Waxaa sidoo kale isaguna xafladaas kelmad ka yidhi Guddoomiyaha Dallada SONYO Mud. Mubaarak Ismaaciil Taani oo sheegey in ay tixgalin weyn iyo taageeraba u geysan doonaan Xarunta Dhallinyaradda Sallaxley isla markaana ay maamulka degmada kala shaqeyn doonaan sidii da’yarta loogu samayn lahaa goobo ay ku kulmaan, kuna cayaaraan.
sidoo kalena waxaa uu guddoomiyuhu ku nuux-nuuxsaday muhiimada ay leedahay wadaniyadu, isagoo xusay inay muhiim tahay in dhallinyaraddu ay ka dheeraadaan wax kasta oo mustaqbalkooda mad-madaw galinaya sida tahriibka iyo isticmaalka balwadaha halista ku ah caafimaadka iyo cududa caqli ee dhallinyaradda. Guddoomiyuhu wuxuu intaas ku daray in Golaha Sare ee 6aad ee Dallada SONYO ay ka go’an tahay taageerida Xarumaha Dhallinyarro ee ku yaalla gobolada iyo degmooyinka dalka, isagoo dhismaha Xarunta Sallaxleyna uga mahadceliyey hay’ada UNICEF iyo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland.
Waxaa isaguna halkaa hadal ka jeediyey Guddoomiye-xigeenka SONYO Mud. Mustafe Maxamed Daahir oo isagu xusey sida ay dallad ahaan ugu faraxsan yihiin inay kulan la qaataan isla markaana soo xog-wareystaan dhallinyaradda Sallaxley iyagoo la tashanaya Ururkooda dhallinyaro ee SAYDO. G/xigeenku waxaa uu sidoo kale xusay ujeedada socdaalkooda iyo muhiimada ay leedahay in la iska-war hayo oo la wadaago dareen iyo duruufo wax kasta oo jira. G/xigeenku waxaa uu sidoo kale u mahadceliyey Golaha Deegaanka Sallaxley. Ugu dambeyntii waxaa halkaas ka hadlay Maayarka Degmada, Mud. Mohamed Ibrahim Baddal.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *