BREAKING NEWS
Search

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Somaliland Oo Furay Tababar Ku Saabsan Xeerka Anshax Marinta Garsoorka

Hargeysa(Foore)- Gudoomiyaha Maxakamadda sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali ayaa manta tababar ku saabsan xeerka anshax marinta garsoorayaasha iyo xeer ilaaliyayaasha socona doona muddo sadex maalmood ah u furay Hawlwadeeno ka kala socday hay’adaha Garsoorka ee Gobolada iyo Degmooyinka Dalka.
Md. Yuusuf Ismaaciil oo furitaankii tababarkaasi ka hadlay ayaa sheegay in xeerkani saamayn ku yeelan doono sida loo dabrayo fulinta cid kasta oo garsoorka ka hawl gasha oo hawl loo dirsado, isla markaana uu yahay xeer ay isla wada qaateen oo ay ansixiyeen gudida cadaaladdu.

Gudoomiyaha Maxkamada sare waxa kale oo uu sheegay in xeerkan anshax marinta garsoorayaasha iyo xeer ilaaliyayaashu uu yahay mid lagula xisaabtami karo hawlwadeenada ka shaqeeya garsoorka laftiisa xiliga ay gudanayaan waajibaadkooda shaqo, uuna dabo socdo awaamiirtii Madaxweynaha somaliland ee ku aaddanaa toosinta cadaaladda iyo garsoorka dalka.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *