Search

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Mucaaridka u Oggolaaday Inay Shirkii Qaran Qabsan Karaan Iyo Waran-cadde Oo Ku Dhawaaqay Inuu Ixtiraamayo

Hargeysa(Foore)-Maxkamadda Sare ee Somaliland, ayaa goor dhaweyd ku dhawaaqday inay Axsaabta Mucaaridka ahi shirarka qaranka ee ay ku baaqeen qabsan karaan, isla-markaana Hutellada iyo Goobahooda gaarka ah ku qabsan karaan.

sochoKulan hada ka dhacay xarunta Maxkamadda sare oo ay goob joog ka ahaayeen hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka iyo mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, ayaa guddoomiyaha Maxkamadda sare halkaas kaga dhawaaqay in xisbiyada mucaaradku ay shirar hoteelada ku qabsan karaan hoteelada dalka.

Waxaana wararka halkaas naga soo gaadhaya, ay sheegayaan in wasiirka arrimaha gudaha Md.Cali Maxamed Waran Cadde oo halkaas ka hadlay uu xisbiyada mucaaradka ah ku wargeliyey in ay shirar ku qabsan karaan huteelada dalka. Isla mar ahaantaana ay qaadanayaan go’aanka ka soo baxay Maxkamadda sare.

Dhanka kale hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka ah, ayaa iyaguna soo dhaweeyey tallaabadan, waxaana ay ku tilmaameen mid geesinimo leh oo uu si cadaalad ah u xukumay guddoomiyaha Maxkamadda sare Pro.Aadan Xaaji Cali.

Inkastoo uu Wasiir Waran-cadde shaaciyey inay Go’aankaas u hoggaansami doonaan, Haddana lama garanayo sida Madaxtooday dhegaha adagi ugu hoggaansami doonto.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *