BREAKING NEWS
Search

Guddoomiyaha KULMIYE Oo Ku Baaqay In Si Miyir Qab Ah Loogu Tartamo Doorashada Deegaanka

Hargeysa (Foore)- Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa ururada ka qayb qaadanaya tartanka doorashada golaha deegaanka u soo jeediyey inay si nadiifa uga qayb qaataan tartanka doorashada golaha deegaanka.

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye oo ka hadlayey munaasibad lagu soo dhawaynayey musharaxiin xisbiga Kulmiye uga tartami doonta magaalooyinka Hargeysa iyo Balli-gubadle ayaa waxa uu sheegay inay ururada siyaasadu si miyir qabta uga qayb qaataan tartanka doorashada,waxaana xusay In Xisbiga Kulmiye oo tallada dalka hayaa uu ka waayo aragsan yahay,Xisbiyada iyo Ururada Siyaasada ee masraxa ay ku wada jiraan.

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye waxa uu intaas ku daray in marka ay Hargaysa iyo Bali gubadle joogaan ururka ay gacan saarka leeyihiin uu yahay Urur Siyaasadeedka Xaqsoorka.

Muuse Biixi Cabdi waxa uu ugu baaqay ururada kale ee siyaasadu inay si nadiif ah ula tartamaan.
Waxaa isna halkaasi ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo sheegay in Murashixiintan ay ka filayaan inay ka turjumaan baahiyaha dhabta ah ee bulshada haysta.

Sidoo kale Xoghaya guud ee xisbiga Kulmiye Xasan Siciid yuusuf oo isaguna munaasibadan ka hadlay ayaa sheegay in musharaxiintani ay qayb muhiima ka yihiin xisbiga Kulmiye kuwaas oo uu sheegay inay u qalmaan musharaxnimada xisbigaas isla markaana isbadal ku keeni karaan golaha deegaanka.

Sidoo kale waxa munaasibadan ka hadlay Wasiirada wasaaradaha diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed,Cadaalada Xuseen Axmed Caydiid,Hawlaha guud iyo guryeynta Axmed Cabdi Xaabsade,xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac iyo Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur, Kijaandhe oo iyaguna ka mida mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland kuwaas oo si wada jira u soo dhaweyey musharaxiintan xisbiga Kulmiye uga tartami doonta Hargeysa iyo Balli-gubadle.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *