Guddoomiyaha KULMIYE oo ka hadlay Kulan dhex maray Madaxweynaha iyo sadexda xisbi qaran

Hargeysa (Foore)-Guddoomiyaha Xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo sadexda xisbi qaran ay isku afgarteen in laga wada qeyb galo shirka London.

Sidaasi waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu caawa soo saaray Guddoomiyaha KULMIYE waxaanu u dhignaa sidan:-

“Shir ay Madaxweynaha iyo Sadexda Xisbi Qaran isugu yimaadeen guriga Madaxtooyada JSL xalay oo taariikhdu ahayd 3.02.2012,Madaxweynuhu waxa uu uga waramay isbedel lagu sameeyay qaabkii shirka London ka qabsoomi doona 23.02.2012 waxaanu sheegay
• In dawlada ingiriisku ogolaatay in dawlada Somaliland ku timaado shirkaas iyada oo ka gooni ah Somalia
• Dawlada Ingiriisku waxay xaqiijisay in qodobka ku jira geedi socodka siyaasada (Road Map) uu gaar u yahay TFG-da iyo Gobolada hoos yimaada ,iyadoo dawlada Ingiriisku cadaysay inaanu qodobkaasi khusaynin Somaliland oo aanu shaqo ku lahayn
• Qodobada kale ee Ajandaha ku jira sida Amaanka Gobolka, Budhcad badeeda,Horumarinta I.W.M ,Somaliland waxay kala mid tahay dawladaha gobolka.
• Shirkaasi maaha mid lagu wada hadashiinayo Somaliland iyo Koonfurta Soomaliya.
• Somaliland waxay fadhiisanaysaa meel ka duwan kana durugsan Xubnaha TFG-da iyo Gobolada hoos yimaada.
Sadexda Xisbi Qaran way soo dhaweeyeen isbedelka dawlada ingiriisku ku samaysay qaabkii shirkaas loo tagayay isla markaana waxay sadexda xisbi qaran soo dhaweeyeen hab maamuuska dawlada Ingiriisku siisay Somaliland inay shirkaas kaga qayb gasho.

Waxa la isla qaatay in si wada jir ah Mucaarid iyo Muxaafidba loogu midoobo taabo gelinta Qaranka iyo Aqoonsi raadinta ,waxaa kale oo la isla qaatay in ergo ka kooban (Muxaafid iyo Mucaarid) lagu tago Shirkaas.
Kulmiye waxa uu ugu baaqayaa Ummada Somaliland inay u midowdo nabadda,Horumarinta,Aqoonsi raadinta iyo Dhismaha dalkeena.”




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *