Guddoomiyaha Iskaashatada Basaska Hargeysa Oo Xukuumadda Ugu Baaqay In Ay Wax Ka Qabto Shidaalka Qaaliyoobay

Hargeysa (Foore)- Guddoomiyaha Iskaashatada Basaska Hargeysa ayaa xukuumadda Somaliland ugu baaqay in ay si degdeg ah wax uga qabato korodhka ku yimid qiimaha shidaalka oo ay dhibaato culus ku qabaan dadka dan yarta ahi nolosha shacabkana saameeyey. Guddoomiyaha oo shalay la hadlayay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sheegay in aanay wali wax qiimo korodh ah ku samayn lacagta lagu raaco Basaska suuqa Hargeysa isaga kala goosha balse ay iman doonto in wax la kordhiyaa haddii aanu xal kale iman.
Guddoomiyaha oo arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi: ““Ilaa Imika waxa aanu kordhinay ma jirto, markaanu dhinac walba ka eegnay. Muddo ayaanu baabuurta u qabanay in aanu wax ku kordhino mudadiina wali may gaadhin. Shidaalkii waa sidiisii oo wax is badalay ma jiraan waana qaali. Dawladduna wax ay ilaa imika ka qabatay ma jirto. Sababta aanu ilaa imika dib ugu dhignay in aanu qiimaha baska lagu raaco kordhinaa, waa xukuumadda oo aanu tallaabo ay qaado ka sugayno. Ha noqoto shidaalka yaalla wadanka oo ay jabiso ama mid cusub oo qiimo jaban ah oo ay keento. Ilaa imikana wax natiijo ah oo aanu haynaa ma jirto sidii hore iyo qiimo qaaligii shidaalka ayay ku socotaa.

Guddoomiyaha Basaska Hargeysa oo wax laga waydiiyay waxa ay tallaabo qaadi doonaan haddii shidaalku jabi waayo ayaa yidhi: “Wiigan aynu ku guda jirno haddii Ilaahay Faraj furi waayo oo ay sidaa ku sii socoto waxa aanu qorshaynaynaa in qiimaha wax lagu Kordhiyo. Gawaadhida dhigi mayno oo wax alla wax isku socon karaa ma jiro, shacabka ayaanu leenahay waar wixii lagu kordhiyo bixiya haddii dhinac kale wax inooga yimaadaana waa khayr. Xukuumaddu ilaa imika wax war ah oo aanu ka hellay ma jirto waxaanan leenahay waar waxan oo kale eegan kari maynee wax ka qabta shidaalkan qaaliyoobay ee nolosheenii dhibta ku haya”.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *