Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Oo Qalabka Xafiisyada Ugu Deeqay Degmada Raydab-Khaatumo

Hargeysa (Foore)-Guddoomiyaha hay’ada shaqaalaha dawlada ee Somaliland Nuux Sheekh Muuse Ducaale, ayaa shalay deeq qalabka xafiisyada ah ku wareejiyay maayarka degmada Raydal Khaatumo ee gobolka Daad-Madheedh Ismaaciil Maxamed Cigee (Wac-wac).

Munaasibadan deeqda lagu wareejinayay maayarka degmada raydal Khaatum oo lagu qabtay xarunta hay’ada shaqaalaha dawlada ee magaalada Hargaysa waxa goob jog ka ahaa maayarka degmada Raydal Khaatumo Ismaaciil Maxamed Cigge (wac-wac0, guddoomiyaha hay’ada shaqaalaha dawlada, masuuliyiin ka tirsan hay’ada shaqaalaha dawlada, xildhibaano iyo marti sharaf kale.
Deeqdan qalabka xafiisyada ah oo uu ugu deeqay degmada Raydal Khaatumo guddoomiyaha hay’ada shaqaalaha dawlada Nuux Sh. Muuse ducaale, ayaa isugu jirtay qaybaha kala duwan ee qalabka xafiisyada, qalabkaasi oo ka koobnaa hal Kombuyuutar, konton kursi, lix miis, foomamka waraaqaha iyo waxyaabo kale.

Guddoomiyaha hay’ada shaqaalaha dawlada ee Somaliland Nuux Sheekh Muuse Ducaale, oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in qalabkan ay ku wareejinayaan maayarka degmada Raydal Khaatumo ay ugu deeqday hay’ada shaqaalaha dawladu isla markaana ay ugu talo galeen in degmadaasi uu ka dabooli doono dhinaca xafiisyada.

Waxaanu tilmaamay Md. Nuux in hay’ad shaqaale ahaan ay qalabkaasi ku caawiyeen degmada Raydal Khaatumo ee gobolka Daad Madheedh u jeedada ay ka leeyihiin ay tahay in degmadu ay ku fuliso hawlaha ay qaranka u hayso.

maayarka degmada Raydal Khaatumo ee gobolka Daad-Madheedh Ismaaciil Maxamed Cigee (Wac-wac), oo isna halkaasi ka hadlay ayaa uga mahad naqay hay’ada shaqaalaha dawlada qalabkaasi kala duwan ee ay ku wareejisay, isaga oo tilmaamay in qalabkani ay baahi wayn u qabeen isla markaana ay hada ka raysan doonaan baahidaasi ka haysatay dhinaca qalabka xafiisyada.

Waxaanu tilmaamay Md. Wac-wac in qalabkan loogu deeqay uu yahay mid qiimo wayn ugu fadhiya isla markaana ay sidii loogu talo galay uga faa’iidaysan doon, waxaanu xusay maayarku in talaabadani ay tahay mid ku dayasho mudan.
Waa markii u horaysay ee uu guddoomiyaha hay’ada shaqaalaha dawlada uu qalab noocan oo kale ah ugu deeqo degmo ka tirsan Somaliland, qalabkan kala duwan ee xafiisyada ee loogu deeqay degmada Raydal Khaatumo ayaa wax badan ka dabooli doona baahidii dhinaca qalabka xafiisyada ee haysatay degmada Raydal Khaatumo ee gobolka Daad- Madheedh.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *