Guddoomiyaha Guurtida Oo U Hanjabay Puntland “Annagu Colaad Ma Rabno, Haddiise Ay Puntland Nasoo Weerarto, Gacmaha Baruuryo Kuma Sidano, Waxna Nagama Guri Karto”

Hargeysa, November 9, 2017- (Foore)- Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa si adag ugu jawaabay Maamul Goboleedka Puntland,waxa uu sheegay inay Somaliland diyaar u tahay inay Difaacato Dalkeeda iyo Xuduudeeda islamarkaana aanay ka cabsi qabin inay Puntland Waxyeelayso qabsoomida doorashada Madaxtooyadda oo dalka Somaliland ka dhacaysa Todobaadkan Fooda inagu soo haya.
Gudoomiye Saleebaan ayaa sidan ka sheegay maruu waraysi kooban Hargeysa ku siiyay Qaar ka mid ah Warbaahinta Dalka ka hawlgasha“Anagu Somaliland haddaanu nahay Colaad ma rabno,Puntland-na Colaad uma rabno,haddiise ay Dalka soo wareeraraan Dalku difaaciisa ayuu leeyahay,Madax ahaana anagu Baruuryo kuma haysano Gacmaha,Dalka Difaaciisa waa lagali, Maanta Gobolada Sool iyo Sanaag waxa Puntland Raacsani majiraan,mar haddii dadkaygii uu israbo oo reer Somaliland israbto,Cidiba Waxba kama guri karto,Doorashada Somaliland waa inaga uun,awood Puntland ah oo Somaliland qayb ka qabsan karto anigu ma ogi,iyaga ayaa cirka caano ku og haddii ay colaad rabaan,laakiin anagu colaad kama rabnee Nabad ayaanu rabnaa”.
Gudoomiye Saleebaan oo wax laga waydiiyay Saamaynta uu doorashada ku yeelan karo dagaal uu Maamul Goboleedka Puntlanad ku soo qaado Somaliland gaar ahaan deegaamada Bariga ee Gobolada Sool iyo Sanaag Bari,ayaa waxa uu yidhi sidan“Doorasho ayaynu kujirnaa, Doorashadii Maalmo ayaa ka hadhay,waa wax tirsan weeyi,Waa isniintan soo socota,Waajib ayay muwaadin kasta ku tahay in doorashada uu ka qayb qaato o uu codeeyo,nin waliba cidda uu isleeyaha Danta qaranka iyo taada ayaa kujirtana ha u codeeyo, Xisbi majiro,kii soo baxaana wuxuu xaq inoogu leeyahay inaynu la shaqayno”.ayuu hadalkiisa ku soo koobay.
Hadalkan Gudoomiyaha ayaa daba socday Dhawaaq doraad ka soo yeedhay Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland kuwaasi oo ay Baarlamaankoodu u codeeyeen dagaal ka dhan ah Somaliland iyo inay si toos ah u soo farogaliyaan Sanaaduuqda Codbixintan la gaynayo Deegaamo ka tirsan Gobolada Sool iyo Sanaag.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *