Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland oo Tallooyin u soo jeediyay Xisbiga kala qeybsan ee UDUB

Hargeysa(Foore)- Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland ahna Hoggaamiyaha urur-siyaasadeedka WADANI Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa markii u horeysay ka hadlay khilaafka ba’an ee garabada u kala qeybiyay xisbiga mucaaridka ah ee UDUB, waxaanu u soo jeediyay inay khilaafkooda ku xaliyaan sida ugu wanaagsan ee ay u dabiibi karaan.

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladdu waxa uu ku booriyay xisbiga UDUB inay raacaan halka aqlabiyadoodu marto.

Md. Cirro oo ka hadlayay khilaafka xisbiga UDUB wuxuu yidhi “Arrinta UDUB shirkeeda iyo cida ay dooranayso waa arrin ku koobay xisbigaasi oo kaliya, waxaanu jecel nahay uun in arrintoodu si wanaagsan ku dhammaadaan. Wixii khilaaf ahna waxaanu jecelahay inay gudahooda ka xalistaan.”

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Shuruucda caalamku waxay sheegayaan in aqlabiyaddu halkay marto inay raacaan, mar walba waxa sas noqonaysa in meesha ay aqlabiyaddu marto ay raacaan, ma jecli in khilaafkoodaasi sii socdo. Waxaan u soo jeedin lahaa uun. Xisbiga UDUB odayaal badan ayaan ku tuhmayaa oo rag badan oo waayeel ah ayaa jooga.”

“Waxaan u soo jeedinayaa inay khilaafkan sida ugu wanaagsan ee ay u xalin karayaan u xaliyaan,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo u waramayay Horn Cable TV.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *