BREAKING NEWS
Search

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Oo Munaasibada Ciida Dhambaal Hamablyo Ah U Diray Shacabka Somaliland

Hargeysa (Foorenews) Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Guddoomiyaha Urur-Siyaasadeedka WADDANI MD Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro) ayaa dhambaal hambalyo ah oo ku saabsan Ciida  u diray shacbiga reer Somaliland guddo iyo debedba meelkastoo ay joogaan, Guddida Doorashooyinka Qaranka iyo taageerayaasha Urur- Siyaasadeedka WADDANI.

 

Guddoomiye Cirro, waxa uu ilahay uga baryay shacbiga reer Somaliland in ciida ciideeda ay ku gaadhaan Caafimaad, nabadgelyo iyo Horumar “Bisha Ramadaan ee dhammaatay ilahay khayrkeeda ha ina siiyo, cibadeedii aynu gudanayna ilahay ha igana aqbalo, waxanan dhambaal hambalyo ah u dirayaa dhammaan shacbiga reer Somaliland meel kasta ay joogaan wadanka gudihiisa iyo debediisaba iyo dhammaan shucuubta islaamka, waxanan leeyahay farxad ku ciida, sanadka sanadkiisana ilahay caafimaad, nabadgelyo iyo horumar ha inagu gaadhsiiyo, sidoo kale waxaan  umada reer Somaliland u soo jeedinayaa inaynu halkaas ka sii wadno qiyaamkii iyo oogidii cibaadada ee aynu wadnay bisha Ramadaan.” Sidaas waxaa yidhi Guddime Cirro.

Waxaa kaloo Guddoomiyuhu hamblayo u diray Guddida Doorashooyinka Qaranka “Waxaan kaloo hambalyo u dirayaa Guddida Doorashooyinka Qaranka ee mudeeyay wakhtigii Doorashada Golahayaasha Deegaanka ee muddada dheer la sugaayay, waxanan shacbiga reer Somaliland u soo jeedinayaa inaynu doorasahada ku galno awalba sidii aynu ku geli jirnay ee ahayd nabad gelyada, waana inaynu ilaalinaa xasiloonida wadankeena.”

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Guddoomiyaha Urur-Siyaasadeedka WADDANI MD Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro) sidoo kale waxa uu hambalyo u diray taageerayaasha Urur-Siyaasadeedka WADDANI, waxaanu yidhi “Waxaan kaloo hambalyo u dirayaa dhammaan taageerayaasha Urur-Siyaasadeedka WADDANI meel kasto oo ay joogaan, waxaan leeyahay farxad iyo wada jir ku ciida, bisha bisheedana ilahay ha ina gaadhsiiyo, soonkii, qiyaamkii iyo cibaadadii aynu soo gudanayna ilahay ha inaga aqbalo.”




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *