BREAKING NEWS
Search

Guddida Wanaag Farista Oo Umadda Ugu Baaqday In Ay Iska Kaashadaan Gargaarka Dadka Abaaruhu Saameeyeen Gobolada Bari

Hargeysa (Foore)- Guddida Wanaag Farista Iyo Xumaan Reebista Somaliland, ayaa ku baaqay in gurmad lala gaadho dadka abaaruhu hayaan ee degan Gobolada Barri ee Somaliland, waxayna Xukuumadda, Ganacsatada iyo cid walba oo wax ku tari karta dadkaas abaaruhu hayaan inay taraan, waxna la qabtaan.
Guddoomiyaha Guddida Wanaag Farista Iyo Xumaan Reebista Somaliland Md. Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdalla iyo qaar ka mid ah xubnaha Guddidaasi oo xafiiskooda shir jaraa’id ku qabtay ayaa shacabka reer Somaliland kula taliyey in ay isku tiirsanaadaan oo is cafiyaan sidoo kalenma Alle SWT ku xidhmaan oo ay isaga kalidii wax waydiistaan sidaana lagaga bixi karo abaaraha ba’an ee soo noqnoqonaya ee saameeyey geyiga Somaliland iyada oo doorkan xaaladda Gobolada Bari abaaruhu ku xooggan tahay.
Guddida wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland waxa ay ku baaqeen in ALLE ka cabsiga la badiyo, oo ILLAAHAY SWT loo noqdo, oo macsida laga dheeraado, Guddoomiyaha Guddida wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdale, oo isagu ugu horeyn halkaas ka hadlay ayaa yidhi: “Dadkeena ku dhaqan Gobolada Barri, abaaro ayaa haya, markaas waxa inala gudboon inaynu u gurmano, oo wax kasta oo karaankeena ah ama awoodeena ah inaynu tartano, oo aynaan waxba ka hagran, Dawladda, Ganacstada iyo qof walba oo reer Somaliland ah oo wax haysta waxaanu ugu baaqaynaa haddii aanu nahay Guddidi wanaag farista sidii loogu gurmaday Gobolada Galbeedka aynu ugu gurmano oo aynu wax u tartano Gobolada Barriga, marka aynu isku naxno ee aynu wax istarno ajar iyo khayr baynu ka helaynaa, ILLAAHAYNA wuu inoogu naxariisayna, ILLAAHAYNA waxaanu ka baryeynaa in dadkeena abaaruhu hayaan inuu abaaraha ka jabiyo oo raxmad iyo madar khayr qaba inuu ugu bedelo,ALLE oo qudha ayaa abaaraha inaga jabin kara, ee aynu badino Cibaadada iyo ALLE ka cabsiga, oo aynu ka dheeraano macsida, laqwiga iyo wax walba oo ALLE cadho galinaya, oo aynu wax isku qabano, oo keena liita aynu u gargaarno, keena baahan wax siino”.
Dhinaca kale waxa iyana halkaas ka hadlay Culimo ka tirsan Guddida wanaag farista iyo xumaan reebista waxayna dhammaantood Xukuumadda iyo Ganacstada iyo dadka reer Somaliland ugu baaqeen in dadka abaaruhu hayaan ee degan Gobolada Barriga Somaliland in wax la taro, oo loo gurmado.
Guddoomiyaha Guddida Wanaag Farista iyo xumaan reebista Somaliland Sheekh C/raxmaan Maxamed Cabdalla ayaa umadda ugu baaqay in ay isku tiirsadaan oo ay is kaalmeeyaan oo ay noqdaan kuwo isu gurmada oo aan cid kale waxba ka sugin Ilaahayna talo saartaan taasi oo keeni karta in Ilaahay SWT abaaraha innaag soo jabiyo isaga oo ganacsatada iyo Xukuumadda gaar ahaan ugu baaqay in ay dadkaasi Gobolada Bari ee abaaruhu saameeyeen ugu baaqay ina ay degdeg ugu gurmadaan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *