BREAKING NEWS
Search

Guddida Wanaag Farista Iyo Xumaan Reebista Oo Lagu Wareejiyay Deeq Isugu Jirta Kutub Qur’aan Ah Iyo Dhar

Hargeysa (Foorenews)-  Guddida Wanaag Farista  iyo Xumaan Reebista Somaliland, ayaa maanta lagu wareejiyay deeq ka kooban kutubta  Qur’aanka Kariimka ah  iyo Dhar loogu talgalay    dadka baahan ee dalka ku nool.

 

Deeqdan ayaa waxa dalka Sacuudi Arabia ka soo diray Sheekh Ismaaciil Cabdi Bacado oo fadhigiisu yahay Magaalada Jiddeh, isaga oo u soo wakiishay Sheekh Aadan Xaaji Maxmuud (Aadan Siiro)  oo soo gaadhsiiyay guddida.

 

Guddoomiyaha guddida Wanaag Farista Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud, oo ka hadlay munaasibadii   alaabta lagula kala  wareegayay, ayaa sheegay  in ay gaadhsiin doonaan   goobaha loo qoondeeyay.

“ Maanta  waxa deeqdan  Kutubta iyo  Dharka ah inagu wareejinaya  Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud, waxa aanu leenahay Ilaahay miisaanka xasanaadka ha ugu daro dadkii soo bixiyay, waxaanu  gaadhsiin doonaa  dadka  u baahan ee Sheekha soo diray ugu talagalay” ayuu yidhi Sheekh Maxamed.

Waxa uu isna halkaas ka hadlay Sheekh Aadan Siiro  oo sheegay in hay’adda Wanaag Faristu   loo doorbiday ,iyada oo xarumo ku leh gobolada iyo degmooyinka dalka oo dhan, iyada oo lagu wareejinayo  Kutub dhan  labaatan kun,  toddobo boqol iyo konton Kitaab  iyo  Dhar dadka  foqorad ah loogu talagay  oo dhan  lix kun saddex boqol  iyo lix soddon Surwaal.

“  Munaasibada aynu maanta isugu nimid waxa weeye    in aanu ku wareejino anagoo khayr badan ku og labaatan kun,  toddobo boqol iyo konton Kitaab  iyo  Dhar dadka  foqorad ah loogu talagay  oo dhan  lix kun saddex boqol  iyo lix soddon Surwaal, Waxa aan halkan aad iyo  aad uga mahad naqayaa Ismaaciil Cabdi Bacado  oo Maktabad ku leh  Jiddeh  oo leh shirkadda wax soo rarta  oo runtii Qanaraasyadana qaata  oo dadka dadkooda u dadaalaya isagana waxa aanu leehay  Ilaahay ha kaa abaalmariyo , waxaanu alaabtii ku wareejinay guddida oo gaadhsiinta meel kasta, waxa kale oo aanu ku wareejinay lacag dhan $500 oo  alaabta lagu rarayo.” Ayuu Sheekh Aadabn Siiro.

 

 Waxa kale oo iyana ka hadlay halkaas  qaar ka mida culimada guddida Wanaag Farista iyo Xumaan Reebista,kuwaasoo dhamaantood u mahadceliyay  Ismaaciil Cabdi Bacado.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *